Araweelo News News.

#Somaliland: Muxuu La Xidhiidhaa Safarka Madaxweyne Biixi Ee @Djibouti

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta safar aan hore loo shaacin ugu baxay dalka Djibouti.

Madaxweyne Biixi oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka diyaaradda Air Djibouti ka raacay garoonka Diyaaraddaha ee Magaaladda Hargeysa barqadii maanta.

Afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac, aaya warbaahinta u sheegay in safarka Madaxweynu ka dhashay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Balse lama sheegin ujeedada xilligan ee safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo mudada uu qaadanayo, wuxuuna kusoo beegmayaa maalmo kaddib markii dalka Djibouti lagu soo gebagebeeyay shirkii madaxda Urur goboleedka IGAD.

Madaxweyne Biixi, ayaa la filaaya inay Madaxweynaha dalka Djibouti ka wada hadlaan arrimaha wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo ka mid ahaa qodobada lagu soo qaaday shirka ay ka mid ahaayeen sidii dib loogu soo celin lahaa wada hadaladii labada dhinac, kuwaas oo markii ugu danbaysay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle martigeliyay.horaantii Jun 2020.

Dhinaca kale, qodobadii kasoo baxay madaxda IGAD, ayaa lagu sheegay in dib loo bilaabo wada hadaladii labada dhinac ee Somaliland iyo Djibouti, isla markaana ay dib y hawgalaan guddiyadii loo saaray arrinta wada hadalka.