Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa si cannaani ku jirto uga hadlay mushkiladaha dalka haysta  ee dhinaca horumarka iyo qaabka khaldan ee Bulshadu u fekerto, sidoo kale, wuxuu fariin u diray Suxufiyiinta iyo dadka hal-abuurka ah ee suugaanta.

 Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ka hadlay tallaabooyin uu doonayo in wax lagu saxo oo dadku si siyaabo khaldan qaarkood bulshadda ugu fasiraan, taas oo uu sheegay inay caqabad ku noqonay sidii qaranku hore ugu socon lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, wuxuu tusaale usoo qaatay dhismayaal ay xukuumaddii hore bixisay iyo dhul ay xukuumaddiisu dib usoo celisay, wuxuuna arrimaha iyo kuwo kale oo garnaqsi ah Madaxweynuhu kaga hadlay mar uu khudbad kooban ka jeediyay furitaanka Kulliyadda Tababarka Macalimiinta Qaranka Somaliland oo uu xadhiga ka jaray, taas oo Woqooyiga Magaalada Hargeysa laga dhisay.

 “Waxaad oggaataan Ilaa  maskaxdeena  aynu bedelno  oo ka madaxda ahi waa tuug, dhulka joogana cidi wax soo gaadhsiin mayso, ragga intiisa badanina way qayilayaan oo wax war ah ma hayaan, islaamuuhuna caruurta ayay la rafanayaan sawirka aynu nollasha ku noolnahay waa taas, cida bedeli kartaa waa wasaaradda waxbarashadda iyo Aqoonta. 

Haddii aan la ogolayn in khaladkii la saxo oo khaladkii la qabtana la leeyahay waxbaa looga jeedaa qaranku socon maayo,”ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi oo shacbiga fariin cannaan ah u dirayay.

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Tusaale yar baan idin siinayaa khayriyada waa wada garanaysaan,  sow xudunta magaalada maaha, samafal ayaa lagu dhisay 1932 , nin muwaadin ah ayaa lagu siiyay muddo kiro ah  oo dawlada hoose ee Hargeysa ayaa kiraysay,   lix bilood ka hor ayaan u soo jeediyay dalku inuu u baahan yahay waxyaabo qaran oo xasuus ah, caasimadu waxay u baahan tahay Madxaf (Museum) laysugu yimaado oo taariikhada Somaliland lagu ilaaliyo, waxay nala noqotay inay khayriyadu tahay meesha ugu haboon ee taariikhada Soomaalida la dhigo in la dumiyo oo qaranku isugu tago inaynu Madxaf fiican ka dhigano, lix bilood ayaanu muwaadinkaas murmaynay,  waa lay jeedaa, waliba Adeer baan u ahay hadduu odhan lahaa cidbaa xaggaas iga xigta, maxkamad ayay dawladda isla galeen, waxa uu yidhi madaxweynaha ayaa i dulmaya oo Maayarka ayaa i dulmaya ee halayga qabto, bal maxkamadda sii daaya, caqliyada caynkaas ah sidee la odhanayaa waa lagu garab joogaa oo gar ayaa lagu siinayaa waxaa.”

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu ka hadlay Huteel laga dhisayay Madaarka Hargeysa oo Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo bixisay oo ay xukuumaddisu joojisay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Madaarka Huteelka ku yaala waxaanu isku haysanaa ninkii lahaa oo  abtigay ah,  dayrbaa lagu xidhay oo dad ayaa laga raray waxa la yidhi dayrkaas waxii ku xidhan waa madaarkii, waxan aragnay hudheel ka dhex socda waxaanu nidhi kadaa, ileen haddii mid loo furo waa la wada furiayaaye, ergadii ugu kululayd oo Suldaan, siyaasi leh, ayaa ii yimi, wasiirka waanu isku dilnay( wasiirka waxbarashadda ) isaga oo dabada laga wado, ceeb maaha qalad ayaa dhacay,  waynu saxaynaa , waa run xaajigana lacag badan ayaa kaga baxday waa laga wada hadlayaa, khaladkii dawladaa gashay oo iyada ayaa bixisay iyada ayaana la soo noqotay, aadamuhu waa uu qaldamaa haddii intii taarka aynu galno waynu ku jabaynaa ee  ka daaya, may waxa loo jeedaa maxaa loo bixin waayay kuwii India Liinka laga dhisay ee fooqaqa ahaa hadaan reer loo jeedin,miyaynaan Allah ka yaabayn sidee wax loo wadaa waxaan uga gol leeyahay talaabadii la qaadaba haddii inanka kastamka jooga la yidhaahdo waa la badalay ma nidhaahno lacag ayuu cunay iyo waa uu qaldamay ee xilku waa meerto ayaa la yidhaahdaa waayo haddii kale dab ayaa iga raacaya umad dhan ayaanu is dilaynaa maxaa loo sheeganayaa waa ina hebele. waxaynu u baahanahay inaan caqligaas bedelno”ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse.

Waxa kale oo Madaxweyne Muuse Biixi ka hadlay doorka Warbaahinta iyo waxbarashaddu oo is kaashadaa ku leeyihiin buolshadda, isagoo xusay in lagu xanto waxbuu Qufulay, balse ay hadda ay marayaan in la yidhaahdo waa Digtaytar iyo lama ogola,xoriyatul waa  lays cabudhinayaa, “ waa xan weyn oo taala waan ogolahay, waxaan ogolahay in annigu markaan gefo gafkayga lay  tilmaamo  laakiin markaad waxaan jirin umadda tidhaahdo, waxaan warbaahinta ka codsanayaa khaladaadkana sheega runtana sheega dadkana waxa u wanaaga ah iyo danta sheega  oo u badiya,qof waliba waa uu danbaabi karaa oo aadamee ayaan nahay haddii qof la qabto warbaahin ha ahaado, madax ha ahaado,ciidan ha ahaado qofku waa uu gefi karaa oo dawlad ayaan u samaysanay qofkii qaldan in la qabto ma jirto cid ka reeban danbiga,madaxweyne ayaa dalka u weyn oo haduu qaldamo xil ka qaadis ayaa u taala,laakiin waxa xaaraan ah qofku danbi aanu galin in lagu qabto  oo lagu cadibo booliskana kama ogoli ,laakiin ciidanku haddii uu yidhaahdo waa la hubinayaa maxkmad ayaa taala oo taasina in laga cadhoodo maaha ma jiro qof aan denbiga ku dhici karin iyo qof aan la saxi larin qof waliba waa inuu ogolaadaa inuu xaq iyo cadaalad helo, laakiin waxaad maqlaysaa waxa la xidhayaa weriye hebel imisa qof ayaa dalka maalintii la xidhaa  wariyahu waa macsuum oo danbi ma gali karo miyaa,  waxaad wariye tahay inta aanad qof kale xaqiisa ku dulminin, inta aanad qof kale ku gafin laakiin hadaad qof kale ku gafto yaa kuu ogolaaday inaad waxaad doonto tidhaahdo adigu diintee, sharcigee, warbaahinta waxaan leeyahay qayb weyn ayaad leedihiin, suugaan yahanka waxaan leeyahay qayb weyn ayaad leedihiin ee xaga wanaasgan u wada,col idinlama nihin,kaftanka iyo is maaga iyo ilaaqdana waan aqaanaa yaynaan kala baqan waynu ilaaqtamaynaa hadaad gabaydaan waan idiin gabyaynaa hadaad heestaan waan idiin heesaynaa laakiin idiinma ogolin xoriyad aad ninka aad doontaan ku maagtaan.”