Araweelo News Network.

Axmed Cabdinuur Muxuu Ka Yidhi, Xilligii Uu Warbaahinta Kusoo Biiray Iyo Waxyaabihii Lasoo Dersay

London(ANN)-Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa wariyeyaasha rug-caddaaga ee ugu caansanaa laanta Af-soomaaliga ee BBC-da, ayaa ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska. Sida ay baahisay idaacadda BBC.

Allah ha u naxariistee Weriye Axmed Cabdinuur, wuxuu ahaa shaqsi si weyn magaciisa iyo codkiisu ugu faafay geyiga Soomaalid oo si weyn loo bartay, muddo ku dhaw 25 sannadood oo uu qayb ka ahaa BBC-da.

 

Marxuumka, ayaa u geeriyooday xannuunka sida baahsan dunida ugu faafay ee Covid-19, sida ay u xaqiijisay xaaskiisu BBC-da laanteeda Af-soomaaliga.

Warka ku saabsan geeridiisa ayaa aad uga nixiyay guud ahaan shaqaalaha BBC-da, gaar ahaan asxaabtii ay isla soo shaqeeyeen iyo kuwii uu tusaalaha lagu daydo u ahaa, weriyayaasha geyiga Soomaalida iyo dhammaan bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996, wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Horaantii sanadkii 2019-kii ayuu ka fadhiistay shaqada BBC Soomaali, maadaama ay laanta Af-soomaaliga barnaamijyadeedii London oo dhan usoo wareejisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Marxuumka, ayaa magaalada Muqdisho uga soo warrami jiray iddaacada, wuxuuna ka sheekeyay waxyaabihii uu la kulmay intii uu ka shaqaynayay magaaladaa.

Mar uu ka hadlay taariikhdiisii shaqo ee BBC-da, xilligii uu ka fadhiistay sanadkii 2019-kii, ayuu hadalladan sidan:-

“Waqti adag ayay ahayd, waayo magaaladu waxay u qaybsanayd waqooyi iyo koofur oo ay kala xukumayeen hoggaamiye-kooxeedyo aad isaga soo horjeeday. Dalkana sharci iyo kala dambayn kama jirin waqtigaas, BBC-duna waxay ahayd isha keliya ee laga heli karo warar Soomaaliyeed oo sax ah”.

Wuxuu sheegay in Siyaasiyiinta qaar ama taageerayaashoodu ay hanjabaad usoo diri jireen xilliyada qaar, iyagoo yidhi, “waan ku dilaynaa” marka ay dhibsadaan warbixinta aan sii daayay, waayo waxay rabaan in warka loo dhigo sida ay iyagu jecel yihiin. Mid ka mid ah ayaa maalin igu canaantay “horta maxaad warka u badhaxdaa waxa aan kuu sheegay oo keliya maad sheegtid”. Aad ayaan uga taxaddari jiray waxa aan idaacadda ka sheegayo, waxaana iska ilaalin jiray inaan xidhiidh dhow oo gaar ah la yeesho dhinacyada siyaasadda isku haya midkood. Ayuu yidhi, Axmed Cabdinuur oo waraysigan bixiyay intii uu noolaa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay dhibaato ahayd sidii wararka lagu heli lahaa, iyadoo isgaadhsiintii dalku bur-burtay markii ay dhacday dowalddii millateriga 1991-dii.

“Marka aad warka diyaarisana waxaa dhib ahayd sidii aad u soo diri lahayd sababtoo ah Internet iyo telefoonka gacanta ma jirin, waxaa keliya oo la adeegsan jiray telefoonka guriga oo tayadiisu aannay aad u wanaagsanayn. Codadka iyo waraysiyada waxaan ka shidi jiray rikoodh, markaas ayaan telefoonka saari jiray si studio London loogu duubo.

Markii uu kasoo wareegay xafiiska Nairobi

“Si dhaqso ah ayaan ugu soo caanbaxay shaqada fiican ee Muqdisho aan ka qabtay, wuxuuna madaxii laanta, Maxamed Cabdullaahi ii fidiyay fursado aan ku sii horumaro sida tababarro aan London u imid iyo inaan marmar si ku-meel-gaar ah uga shaqeeyo xafiiska Nairobi oo berigaas uu joogay Allaha u naxariistee Axmed Maxamed (Taajir) oo keliya. Ayuu yidhi, Axmed Cabdinuur.

“Intii aan xafiiskaas ka shaqeynayay waxaa dhacay qaraxyadii Al-Qaacida ku qaadday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daresalam. Keligey ayaa waqtigaas xafiiska joogay, waayo Axmed London ayuu ku maqnaa. Idaacad kasta oo baxaysa war ayaan u soo diri jiray”.

“Markii dambena, sannadkii 2000, London ayaa shaqo laga iga siiyay, muddo sanad iyo bar ah dabadeedna waxaan qaatay fasax lacag la’aan ah. Labo sano kaddib ayaan BBC-da ku soo laabtay wixii waqtigaas ka dambeeyayna London ayaan ka shaqaynayay marna weriye madax bannaan ayaan ahaa marna shaqaale rasmi ah.

Shaqada London qudheedu ma sahlanayn, waayo shaqaale yaraan ba’an ayaa nasoo martay. Waxaa jirtay beri aan keligey qaban jiray shaqooyinka soo saare, tebiye, war akhriye iyo farsamayaqaan oo weliba xilli habeen ah si barnaamijka subaxii u baxo. Ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay waxyaabaha is bedelay xilligaa uu saxaafada ku jiray, wuxuu yidhi, “Muddadaas dheer ee aan saxaafadda gudaha iyo tan caalamka ku soo jiray, laga soo bilaabo 1982, waxyaabaha is-beddelay waxaa ka mid ah: qaabka dadku u fekero, waagii aan warbaahinta dowladda Soomaaliya ka shaqayn jiray lama oggolayn in su’aal adag la weydiiyo madaxda sare, hase yeshee kuwa maanta jooga fursaddaas ma haystaan waayo wax adag iyo wax aan jirin intaba waa la weydiiyaa.”

Wuxuu ka hadlay kaalinta haweenka ee warbaahinta xilligan, isagoo sheegay in kaalinta haweenka ee ka qayb galka hawlaha warbaahinta ay iyaduna si weyn isu-beddeshay oo tiradoodu aad u korodhay.

BBC waa hay’ad aad u wanaagsan marka la eego qaddarinta shaqaalaheeda iyo ka go’naanshaha inay dhegeystayaasheeda siiso warar run iyo dhexdhexaad ah. Ayuu yidhi, Axmed Cabdinuur oo Allah haw naxariistee ka shaqaynayay ku dhowaad 25 sano Iddaacada BBC, laanteeda Af-soomaaliga.