Araweelo News Network

 

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018, Isla markaana ku taariikhaysan 28 August 2018, ku dhaqan-geliyey Afar  Xeer., kuwaas oo mid ka mid ah markii Madaxweynuhu soo saaray qaybo ka mid Ururada Bulshadu ka qayliyeen.

Wareegto Madaxweyne Muuse Bixi ku dhaqan-geliyay Afartaa Xeer  ayaa u dhignayd  Sidan:-

 

1. Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
2. Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
3. Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
4. Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

Markaan Arkay:​Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:​Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-37/804/2018, summaddiisuna tahay Ref: GW/9/26/166/2018, kuna taariikhaysan 05/08/2018, ujeeddadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerarka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018;
​Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018;
​Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018; iyo
​Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018;

Markaan Arkay:​Qodobada 75aad iyo 76aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan soo-saaray;

1. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018.
2. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018.
3. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018.
4. Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

Sidoo kale Wareegtada Cashuur-Dhaafka ee Madaxeynaha

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cashuur-Dhaafka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: ​Qodobka 14aad, xubintiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: ​Xeerka Kastamada Somaliland, Xeer Lr. 73/2016 iyo Xeerka Cashuuraha Barriga Somaliland, Xeer Lr. 72/2016;

Markaan Arkay: ​In cashuuruhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Qaranku ku dhisan yahay, kuwaasi oo fure u ah gudashada waajibaadka Xukuumadda, fulinta adeegyada horumarineed iyo sugidda amniga Qaranka;

Markaan Arkay: ​Xeerarka dalka ee loogu talo-galay in lagu hago cashuuraha oo qeexaya noocyada cashuuraha, wakhtiga ay waajibaan cashuuruhu, cidda ay ku waajibaan iyo cidda ka reeban oo leh cashuur-dhaaf sharci ah;

Markaan Ogaaday: ​In cashuur-dhaaf aan sharciga waafaqsanayn loo sameeyo alaabooyin iyo dad ajaanib ah oo ujeedo ganacsi leh, kuwaasi oo xeerarka dalku ku waajibiyeen cashuur;

Markaan Garawsaday: In cashuur-dhaafka tirada badan ee aan sharciga waafaqsanayni uu ku keenayo hoos u dhac dhakhliga Dalka;

Markaan Helay: ​War-bixinta iyo talo-soo-jeedinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee uu khuseeyo cashuur-dhaafku;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumaddu aanay u samayn karin cashuur-dhaaf aan sharci ahayn alaabooyinka sifo ganacsi dalka loo keeno iyo ajaanibka dalka u imanaya ama ka haya hawlo macaash doon ah.

2) In habka cashuur dhaafka alaabooyinka la soo dejiyo iyo cashuuraha kale ee barriga loo raaco sida ay dhigayaan Qodobbada 145aad, 136aad iyo 163aad ee Xeerka Kastamada Somaliland, Xeer Lr. 73/2016, iyo Qodobbada 6aad, 46aad iyo 72aad ee Xeerka Cashuuraha Barriga, Xeer Lr. 72/2016, iyo heshiisyada shirkadaha maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland qayb ka tahay.

3) In shirkadaha ganacsiga ee loo samaynayo cashuur-dhaafka kastamka si sharciga waafaqsan, laga soo xareeyo cashuuraha kale ee barriga ee ku waajibay, sida; cashuurta dakhliga (Income Tax), cashuurta iibka, (Sales Tax), cashuurta macaashka (Profit Tax) iwm, si waafaqsan cutubyada 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeerka Cashuuraha Barriga, Xeer Lr. 72/2016. Sidoo kale, Hay’adaha qaramada midoobay, kuwa caalamiga iyo kuwa maxaliga ah in laga soo xereeyo cashuuraha barriga ee ku waajibay, marka laga reebo kuwa sharcigu ka dhaafay.

4) In Wasaaradda Horumarinta Maamliyaddu iyadoo la kaashanaysa hay’adaha kale ee dawladda, ay diyaariso habraacyada iyo xeer-nidaamiyayaasha lagu faah-faahinayo, laguna hirgasho qodobbada iyo ujeedooyinka Xeerka Kastamada iyo Xeerka Cashuuraha Barriga, oo ay ku jirto cashuur-dhaafyada kala duwan ee xeerarka dalku dhigayaan, si waafaqsan Qodobada 51aad, 52aad, 208aad iyo 246aad ee Xeerka Cashuuraha Barriga Xeer Lr. 72/2016, iyo Qodobada 18aad, 36aad iyo 206aad ee Xeerka Kastamada Somaliland. Xeer Lr. 73/2016.

5) In la sii wado dhiiri-gelinta wershadleyda dalka marka ay bilaabayaan dhismaha warshadaha, lana siiyo cashuur-dhaaf wixii agab ah; sida mishiinnada iyo qalabka-dayac-tirka, waxase sharci ah in ay ka sitaan Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska qoraal caddaynaya nooca wershadda ay la soo dagayaan, tirada qalabka dayac-tirka iyo dammaanad muujinaysa muddada ay ku kicinayaan wershadda.

6) In wershada raasamaalkeeda lacageed ku bilaabmo ugu yaraan $250,000 (Laba Boqol iyo Konton Kun oo doolar), kana hawl-galaan ugu yaraan 30 shaqaale ah, laga dhaafo Cashuurta Soo-dejinta (Custom Import Duty).

7) In alaabta qaydhin (Raw Material) ee wershadaha loo sameeyo cashuur-dhaaf saddexda sanno ee ugu horreeya. Wixii ka dambeeya muddadaa saddexda sanno ah waxa ku waajibaysa cashuur alaabta qaydhin ee wershadaha. Waxa reebban in alaabta qaydhin ee wershaddu ku heshay cashuur-dhaaf loo iib geeyo suuqa. Sidoo kale, waa siyaasadda dawladda in la dhiiri-galiyo isticmaalka khayraadka iyo alaabta dalka gudihiisa laga heli karo, si looga maarmo in la soo dejiyo alaab qaydhin.

8) In Cashuuraha Berrigu ay ku shaqeeyaan Xeerka ay hore ugu dhaqan-galeen ee Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga, Xeer Lr. 72/2016. Sidaa darteed, go’aankan laga soo saaray cashuur-dhaafka warshaduhu ma khuseeyo cashuuraha berriga.

9) In wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumaddu si mug leh uga qayb-qaataan ilaalinta iyo soo uruurinta cashuuraha, kana gacan siiyaan Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waajibaadkeeda la xidhiidha kobcinta dakhliga.

Sidoo kale  Wareegto Madaxweyne Muuse Biiixi ee Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada)  ayaa u dhignayd sidan:-

Markaan Arkay:​Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:​Ahmiyadda Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u Leeyihiin Kobcinta Dhaqaalaha iyo Dar-dar-galinta Dakhli Uruurinta Dalka;

Markaan Xaqiiqsaday: Muhiimadda Dib-u-habaynta Ciidanka Ilaalada Cashuuruhu u leeyihiin Qaranka;

Markaan Helay: Talo-soo-jeedinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In laga bilaabo taariikhda maanta dib u habayn lagu sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha (Turbataariyada), kuwaas oo noqon doona qayb ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana hoos tagi doona Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.

2) In Taliyaha Ciidanka Boolisku isku-beddel ku sameeyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha lixdii biloodba hal mar, isla markaana la siiyo tababar ku saabsan nidaamka ilaalinta cashuuraha, tacriifadaha badeecadaha, wada-shaqaynta maamulka goobta cashuur-qabashada iyo asluubta la-dhaqanka cashuur bixiyaha.

3) In Ciidanka Ilaalada Cashuuraha laga dhigo kuwo leh ugu yaraan aqoon dugsi sare iyo ammaano dhab ah, laguna soo xulo karti iyo hufnaan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland