Araweelo News Network.

Xisbiga KULMIYE Oo Munaasibad Ku Shaaciyay Murrashaxnimada Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan SOLTELCO

Hargeysa(ANN)-Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), ayaa murrashaxnimadiisa lagu shaaciyay xarunta Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE, isagoo mar kale u tartami doona gollaha deegaanka ee Caasimadda.

Munaasibad lagu qabtay xarunta xisbiga, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta KULMIYE, kuwaas oo soo dhoweeyay murrashaxnimada Maayarka Caasimadda Hargeysa inuu mar kale u tartamo gollaha deegaanka ee Caasimadda, isgoo ka mid ah murrashaxiinta ay soo xuleen xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ah oo ka hadlay munaasibada, ayaa sheegay in xisbi ahaan ay aqblaeen in Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid u qalmo inuu mar kale u tartamo gollaha deegaanka sidaa awgeed xisbgu aqblay inuu mar kale tartamo, iyadoo sidoo kale munaasibadaa lagu shaaciyay in Murrashax Cali Xawaadle Madar oo u taagan murrashaxa gollaha wakiiladda Somaliland ee gobolka Maroodi-jeex.

Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE, ee ka hadlay madasha, waxgaardka iyo Odayaasha ka hadlay munaasibada ayaa dhammaantood sheegay in Maayar SOLTELCO uu wax baddan qabtay mudadii uu ahaa Maayarka Caasimadda Hargeysa. sidaa awgeed loogu gartay inuu mar kale noqdo murrashaxa xisbiga KULMIYE, ugu tartamaya doorashooyinka gollayaasha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa.