Araweelo News Network.

 

  #Dooddaha Is Khilaafsan Ee #Xukuumadda Iyo Mucaaradka Xadhiga Murrashaxiinta

Hargeysa(ANN)-Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa ka qayliyay murrashaxiin laga xidhay labadaa Xisbi oo ka mid ahaa kuwa isu diyaarinayay in ay ka qayb galaan tartanka doorashooyinka Somaliland ee loo muddeeyay 31 May 2021.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku eedaysay murrashxiinta la xidhay kuwo lagu hayo waxyaabo lid ku ah qaranimada Somaliland, isla markaana waxay ku tilmaameen in laga soo diray dhinaca Soomaaliya ee dawladda Federaalka si ay u qasaan doorashooyinka Somaliland, sida ay xukuumadda iyo hay’addaha amaanku ka dhawaajiyeen.

Hase yeeshee labada Xisbi mucaarad ayaa gaashaanka ku dhiftay eeddaha lala xidhiidhiyay murrashaxiinta oo ay ku macneeyeen arrimo siyaasadeed, waxayna arrintaasi sababtay in Hoggaanka Sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, oo kulan la qaatay maanta Ambassador#Ms Kate Foster oo ah haweenayda cusub ee Britain usoo magcawday Soomaaliya oo bedeshay Ben Fender oo ah safiirkii hore ee Britain u joogay Soomaaliya ugu gudbiyeen dacwad la xidhiidha arrinta xadhiga murrashaxiinta.

 Ambassador#Ms Kate Foster oo booqashadii u horaysay ku timi dalka Somaliland tan iyo markii Jan 2021 xafiiska loo magcaabay, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka hor intii aannay mucaaradka la kulmin ku qaabilay qasriga Madaxtooyadda.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, Eng.  Faysal Cali Waraabe iyo Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale oo Xisbiga ka tirsan, waxayAmbassador#Ms Kate Foster oo ay wehelinayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Safaaradda Britain kala hadleenArrimaha Doorashooyinka isku lamaan ee gollayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland ee loo balamay 31 May 2021.

Prof. Axmed Cabdi Muuse Abyan oo ka mid ah murrashaxiinta Xisbiga uga qaybgelaya doorashooyinka, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in arrimaha lagaga hadlay kulanka madaxda Xisbiga UCID, la yeesheen Ambassador Kate Foster iyo diblamaasiyiinta kale ee Britain arrimaha doorashooyinka iyo arrimo uu sheegay in ay si gaar ah u khuseeyaan xisbiga UCID.

“Waxaan Ka wada hadalay Safiiradda iyo Masuuliyiinta kale Xadhiga Iyo beegsiga Murrashaxiinta xisbiyada mucaaradka ah, gaar Ahaan labada xildhibaan ee ka soo jeeda Gobolka Sool, Xildhibaanka la xidhay iyo gabadha keliya ee Sool Gollaha wakiillada uga sharaxan oo iyana lagu daba jiro arintaasi oo meel fiican noo maraysa”. Sidaa ayuu ku yidhi qoraalkiiisa Prof Abyan..

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Wefdiga #Amassador #Kate@Foster Iyo Arrimaha Laga Wada Hadlay

Dhinaca kale, Xoghayaha warfaafinta  Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayuaa sheegay in Murrashax Xisbiga WADDANI, ah loo xidhay in uu Muqdisho tegey ay iyaguna dacwad taa la mida ah ka gudbinayaan murrashaxiin KULMIYE ah oo sida uu sheegay Muqdisho xilal kasoo qabtay xilligana ka sharaxan KULMIYE.

Xoghayaha WADDANI, ee warfaafinta, wuxuu ku dooday in xisbigoodu soo dhawaynayo in talaabo laga qaado cid kasta oo denbi qaranka ka gasha. Laakiin aannay aqbalayn in Murrashaxiinta xisbiga muxaafidka ee Kulmiye iyaga oo Soomaaliya xilal kasoo qabtay ay joogaan  kuwa mucaardkana la xidh xidho.

Mr. Xuusto, ayaa dhaliilay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore oo maalmihii lasoo dhaafay si adag uga hadlay xadhiga murrashaxiinta lagu eeddeeyay in ay mashruuc lagu khalkhalinayo doorashooyinka Somaliland kasoo qaateen Muqdisho, wuxuuna Wasiir Koore ku tilmaamay kuwo qaranka denbi ka galay.

Dhinaca kale, Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa hore qoraal ay ku socodsiiyeen hay’addaha amniga ka digay in la xidho murrashaxiinta buuxiyay shuruudihii tartanka ee liiskooda la shaaciyay oo ay xasaanad leeyihiin, waxayna arrintaasi ka danbaysay markii ay soo noq noqtay xadhiga dhawr murrashax oo labada Xisbi ee Mucaaradka ah, balse xaddhiga xubnaha xilligan waxay cad xukuumadda iyo hay’addaha amnigu ugu doodayaan in xubnaha la xidhay yihiin kuwo lagu hayo denbiyo cad-cad.

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo ka Digay Xadhiga Murrashaxiinta

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com