Hargeysa (ANN)-Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 65-aad ee kasoo wareegtay maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyadii Midawday ee United Kingdom ee dawladda Ingriiska, ayaa caawa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibadda lagu muunaynayo maalinta xorriyadda ee 26-ka June 1960, waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, guddoonka guurtida iyo wakiillada, qaar kamid ah madaxweyne-xigeennadii hore ee dalka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, guddoomiyaha xisbiga WADDANI, xildhiobaanno.
Sidoo kale, waaxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, Diblomaasiyiin ka socda dalalka saaxiibka la ah Somaliland, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas lagu soo bandhigay masraxiyad iyo suugaan lagu hogo-tusaalaynayo qiimaha ay maalintani leedahay.
Wasiirka madaxtooyada, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, siyaasi Axmed Ismaaciil Samatar, guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay maalintani u leedahay shacbiga reer Somaliland iyo sida ay muhiimka u tahay in maalintan la weyneeyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shacabka u jeediyey khudbad qiimo badan, ayaa xuska munaasibaddan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ah dhaxal ay iska leeyihiin shacabka reer Somaliland, waxana uu si qoto dheer u sharraxay horumarka qarankani ku tallaabsaday iyo jallaafooyinka horumarkaa lagu diiddan yahay ee uu gaadhay.
Ugu dambayntii, markii ay saacadda Geeska Afrika ahayd 12-kii habeennimo oo gaw waxa la saaray calanka Jamhuuriyadda Somaliland, halkaan oo cutubyo katirsan ciidamadu salaam ku siiyeen calanka.
Muuqaalkan hoose raac si uga boggato khudbada Madaxweynaha oo dhammaystiran.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐