Araweelo News Network.

 

 #Somaliland Oo Wasiiradu Ka Doodeen Mucaaradka Iyo Warbaahinta Dawladda

Hargeysa(ANN)-Gollaha Wasiirada Somaliland, ayaa wax iska weydiiyay xaaladda amniga ee xilliaga doorashooyinka loo qorsheeyay inay dalka ka qabsoomaan 31 May 2021.
Fadhigii 71aad ee gollaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland maanta yeesheen, ayaa sidoo kale lagaga hadlay xaaladda xannuunka COVID-19, ee mar kale mawjadihiisu soo kaceen.
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo guddoominayay shirkaa, iyadoo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici).
sidoo waxa lagu soo qaaday xaaladda biyo la’aanta deegaamada dalka qaarkood oo laga soo sheegayo Abaar iyo biyo la’aan.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.
Waxay ugu horrayn gollaha wasiiradu fadhigaa ku lafo-gureen xoojinta amniga waqtiga doorashooyinka  isku lamaan ee loo balanmay 31 May 2021.

Warbaahinta Qaranka xilliga Doorashada

Qoraalka, ayaa sidoo kale lagu xusay gollaha wasiiradu sla qaateen in sida shuruucda doorashooyinku dhigayaan warbaahinta dawladda oo ah hanti qaran, ay dhex u noqoto xisbiyada qaranka.
Sidaa awgeed la sii dardargeliyo wada-shaqayntii hore uga dhaxaysay xisbiyada qaranka iyo warbaahinta dawladdu maamusho.

    Xaaladda Abaaraha

Gollaha, ayaa go’aamiyey in guddidii abaaruhu dib u hawl-gasho, oo xubno xaqiiqo raadin ahna u dirto goobaha abaaruhu ka jiraan ee u baahan biyo dhaamis iyo raashin qaybin.
gollaha ayaa isla qaatay in guddida Abaaruhu soo saarto baaq qaylo-dhaan ah, si loo bilaabo u gurmadka muwaaddiniinta tabaalaysan ee Abaaruhu sameeyeen.
Dhinaca kale, waxa lagu sheegay qoraalka in gollaha wasiirada  oo ka duulaya baahiyaha soo noq-noqday ee la xidhiidha biyo yaraanta waqtiyada qaar ayaa isla meel dhigay qorshe.
Waxayna isku raaceen in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sannadaha soo socda xoogga saarto qodista biyo xidheenno waaweyn, si looga faa’iidaysto waqtiyada Abaaraha iyo biyo yaraanta.

 Dooda Xannuunka COViD-19

Golluhu isku raacay in si buuxda la soo celiyo wacyigelintii ka hor-tagga xannuunka Covid-19,  maadaama ay xilligan dunida ku soo laba kacleeyey xannuunku.
iyadoo ay lagama maarmaan tahay in bulshada lagu barbaarujiyo khatarta uu leeyahay xanuunkaasi si loogu diyaar garoobo. ayaa lagu yidhi, qoraalka.