Araweelo News Network.

#Somaliland: Guddida Doorashooyinka Oo Kala Diray Hawlwadeenada, Gaadiidka Iyo Agabka Kaadh Bedelka

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Awdal, u kala diray shaqaalaha, hawlwadeenada, gaadiidka iyo agabka lagaga hawlgelayo goob bedelka Kaadhka iyo muwaadiniinta kaadhadhku ka lumeen.

Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta magaaladda Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi-jeex ka kala diray Hawl wadeenada iyo Gaadiidka ka shaqaynaya Goob bedelka Degmo doorashooyinka Somaliland iyo bixinta kaadhadhka codbixinta ee ka lumay muwaadiniinta.

Ku dhowaad Afartan goobood oo ka mid ah gobolka Maroodi-jeex ayay ka hawlgelayaan shaqaalaha maanta laga kala diray Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Sidoo kale, Magaaladda Burco, waxa isla maanta ka boqoolay hawlwadeenada iyo Gaadiidka ka shaqaynaya Goob bedelka Degmo doorashooyinka Somaliland iyo bedelaada kaadhadhka ka lumay muwaadiniintii qaadatay 2016.

Halkan Ka Dhegeyso  Fariinta Wacyigelinta Kommishanka Doorashooyinka Somaliland

Maxamuud Siciid Dalmar oo ka tirsan guddida doorashooyinka qaranka ayaa sheegay in hawshu ka bilaabmay maalinta beri sagaal iyo toban Goobbood oo Togdheer ah, halka gobolka Saaxilna noqon doono kow iyo toban goobood, isla markaana ay ahwshani soconay muddo toban maalmood ah.

Kommishaner Siciid, ayaa bulshada ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Saaxil u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan fursadaa, taas oo sida uu sheegay ay ugu talo galeen in lagu xaqiijiyo in ay muwaadiniintu helaan xaqooda ah inay ka qayb-qaataan doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo degaanka ee loo asteeyay in ay dalka ka qabsoomaan 31 May, 2021.

“23  degmo doorasho qofka tau u doono ayuu u bedelan karaa, marka uu buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay.” Ayuu yidhi, Maxamuud Siciid oo maamulaya hawsha gobollada Togdheer iyo Saaxil.

Sidoo kale, gobolka Sanaag waxay Guddida doorashooyinka Somaliland magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ka direen Hawlwadeenada iyo Gaadiidka ka shaqaynaya Goob bedelka Degmo doorashooyinka Somaliland, iyadoo mudada hawshani socoto ay muwaadiniinta ay Kaadhadhka Codbixintu ka lumeen ka faa’idaysan doonaan, kuwaas oo la doonayo in ay ka xaadiraan goobaha ay markii hore ka qaateen kaadhka, halka kuwa doonaya in ay u bedeshaan degmo doorasho kale loo fududaynayo, marka ay buuxiyaan shuruudaha.

Dhinaca kale, magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa loo  kala diray Gaadiidka iyo hawlwadeenada, waxaana goob-joog ka ahaa guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo raac), guddoomiye ku xigeenak gobolka Awdal Cawaale Faarax Cilmi.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo Raac) ayaa sheegay in goobtaasi ay ku kala direen shaqaalaha 20 goobood oo laga qaadan doono kaadh badalka iyo goob badalka, isaga oo sheegay in 10 cisho ee soo socda degmada Saylac laga diwaan gelin doono afar goobood oo kala ah Saylac, Lawyacaddo, Xariirad iyo Fiqi Aadan, iyada oo degmada Lughayana laga qaadan doono saddex gooobood oo kala ah Lughaya oo degmada ah, Geerisa, Garbo dadar, halka degmada Baki iyana laga qaadan doono saddex goobood oo kala ah Baki, Dila iyo Cali Xaydh.