Araweelo News Network.

“Somaliland, waxay leedahay xeeb dhan 2,000-mayl oo ku dheraran marinka Bab el-Mandeb oo ahmiyad weyn u leh dunida, Maraykanku waa ,,,,” Amb. Stephen M. Schwartz

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhowaysay hadal kasoo yeedhay safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Stephen M. Schwartz oo 2016 noqday safiirkii u horeeyay ee Maraykanku u magcaabo Soomaaliya wixii ka danbeeyay 1991-kii.

Stephen M. Schwartz, wuxuu maqaal dheer oo uu ku daabacay Machadka Cilmibaadhista Siyaasada Arrimaha Dibedda Maraykanka ku shaaciyay in Somaliland ay u qalanto inay dawladdiisa Maraykanku ka furato Qunsilyad, isla markaana cilaaqaad fiican la yeelato.

 

Ambassador Stephen, wuxuu tilmaamay qalalaasaha iyo fawdada ka jirta Soomaaliya iyo deganaanshaha iyo xasiloonida ay Somaliland ku talaabsatay, isagoo tusaale usoo qaatay ahmiyada iyo istiraatiijiyada ay bogcada ay ku taal u leedahay aduunka iyo sida ay uga badbaaday qalalaasaha Soomaaliya hadheeyay sodonkii sannadood ee u danbeeyay, xiisada xilligan ka taagan gobolka iyo loolanka quwadaha doonaya inay xidhiidh la sameeyaan Somaliland.

“Maraykanku waa inuu qunsuliyad ka furtaa Somaliland si looga caawiyo muwaadiniinta Maraykanka iyo ganacsiyada loona dhiso xidhiidh diblamaasiyadeed.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu usoo jeediyay dalkiisa Maraykanka inuu la shaqeeyo  Midowga Afrika iyo kuwa kaleba sidii loo xallin lahaa maqaamka Somaliland iyadoo laga dhaadhicinayo madaxweynaha xilligan la filayo ee Soomaaliya inuu sameeyo wadaxaajood degdeg ah oo dhab ah.

Xasiloonida iyo goobta ay Somaliland ku taallo – gaar ahaan dekedda Berbera – waxay siin kartaa Maraykanka xulashooyin istiraatiijiyadeed oo istiraatiiji ah, laakiin waa haddii ay Somaliland yeelato sharci caalami ah oo ay kula gor-gortami karto heshiisyada ama ay u oggolaan karto qodobbada ku saabsan qaababka ay dawladda Federaalka ee Soomaaliya u wada xaajoonayaan. Ayuu yidhi, Ambassador Stephen.

“Somaliland, waxay leedahay xeeb dhan 2,000-mayl oo ku dheraran marinka Bab el-Mandeb, oo ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan adduunka, waana marka Somaliland loo aqoonsaday muhiimadda ay u leedahay gobolka” ayuu raaciyay Amb. Stephen.

Xaaladda xilligan ee Soomaaliya, ayuu ku tilmaamay mid cabsideeda keh, wuxuuna sheegay in ka bixitaanka Maraykanka ee Soomaaliya xilligan uu kusoo beegmay xilli ay Soomaaliya ku jirto qalalaase siyaasadeed oo khatar ku ah xasilloonida dawladdii curdinka ahayd ee Soomaaliya, balse wuxuu ugu baaqay maamulka soo socda ee Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden inuu ka noqdo go’aanka ka bixitaanka Soomaaliya oo uu dejiyo siyaasadiisa iyo istiraatiijiyad u gaar ah Soomaaliya.

 

Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa soo dhoweeyy hadalka safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Stephen M. Schwartz.

Prof. Faratoon oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay si aad ah u soo dhowaynayso hadalka safiirka, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay mid xaqiiqo ah.

“Hadalka Amb. Stephen M. Schwartz, waanu soo dhowaynaynaa Dawlad ahaan, si fiican ayuu u hadlay, wax jirana wuu sheegay,” ayuu yidhi Yaasiin Faratoon.

Sidoo kale Faratoon, ayaa intaa ku daray in horumarka ka jira Somaliland ay ku gaadhay wax-qabad iyo dedaal badan oo ay sameeyeen maamul ahaan.

“Dabcan, Amb. Stephen M. Schwartz, wuxuu si cad oo qiimo leh u sheegay,  isla markaana qiray in dalkeenu yahay dal deggan oo xasiloon, oo la isku halayn karo, heerka aynu maraynana waxaynu ku gaadhnay dadaalkeena, Juhdigeena iyo wax qabadkeena,” ayuu yidhi, wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumadda Somaliland.

Prof. Faratoon, wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, ayaa  hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka go’an tahay inay si wado dadaalkeeda ku waajahan raadinta ictiraafka ay doonayso, si ay u xaqiijiso qaranimadeeda.

 

Stephen M. Schwartz wuxuu ahaa Safiirkii ugu horeeyay ee Maraykan ah ee Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 2016-17, wixii ka danbeeyay burburkii dawladdii Jamhuuriyadii Soomaaliya 1991.

Ambassador Stephen, ayaa lagu daray liiska howl-gabka 2017,  isagoo xubin ka ahaa waaxda Arrimaha Dibedda ee Sare, isla markaana gaadhay derejada Taliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Marayka.

Diblamaasigan, ayaa sidoo mudadii uu ku jiray siyaasada arrimaha dibedda Maraykanka, wuxuu ka soo qabtay xilalka ku-xigeenka hawlgalka  ee Zambia iyo Mauritius, waxa kale oo uu noqday sarkaal dhexe ama sarkaal hoose oo ka tirsan hawlgalada Maraykanka ee ku waajahan dalalka Ethiopia, SouthAfrica, Burundi iyo Cuba, wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka dhawaaqyada iyo tallooyinka ay ka bixiyaan siyaasada arrimaha dibedda ee Maraykanka la dhegeysto.