Araweelo News Network.

#WADDANI Oo Shaaciyay Xilliga Uu Qabsanayo Shirkiisa Gollaha Dhexe

Hargeysa(ANN)-Xisbiga mucaaradka ah ee #WADDANI, ayaa shaaciyay xilliga uu qabanayo shirkiisa gollaha dhexe, sidaana waxa warbaahinta u sheegay maanta Cismaan Af-gaab oo ah guddoomiyaha gollaha dhexe.

 

Afgaab, wuxuu sheegay in dhammaan xubnaha gollaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, lagu war gelinayo in la qabanyo shirkaa oo uu ka dhacayo Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

“Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan xubnaha gollaha dhexe in shirkii gollaha dhexe la qabanayo 30 March 2021, waxaana lagu war gelinayaa dhammaan xubnaha Xisbiga in ay ilaaliyaan xilliga oo kasoo qayb galaan.” ayuu yidhi, Af-gaab .