Araweelo News Network

Kim Jong-un1Pyongyang(ANN)Hoggaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Mr. Kim Jong-un, ayaa amar ku bixiyey in qori lidka diyaaradaha lagu dilo laba sarkaal oo ka mid ah masuuliyiinta dawladdiisa ugu sarreeya.
Saraakiishan ayaa mid ka mid ah ku dhex gam’ay waqti shir lagu jiray, halka ka kalena uu ka hor yimi fikir uu soo jeediyey hoggaamiye Kim Jong-un.
Nin magaciisu yahay Ri Yong Jin oo ah Wasiirka Waxbarashada Woqooyiga Kuuriya, ayaa lagu xukumay dil, kadib markii uu ku dhex seexday kulan, waqti uu hadlayey hoggaamiye Kim. Markiiba waxa wasiirka loo qaaday xabsiga, iyadoo la garaacay si loo ogaado inuu daacad u yahay madaxweynaha iyo in kale.
Sidoo kale, wargeys ka soo baxa waddanka Koonfurta Kuuriya oo la yidhaa Joongang Ilbo, ayaa sheegay in nin kale oo la yidhaah Hwang Min oo ahaan jiray Wasiirka Beeraha lagu xukumay dil, kadib markii uu soo jeediyey aragtiyo uu ku horumarinayo wax-soo-saarka beeraha oo lidi ku ahaa aragtiyo kale oo uu soo jeediyey Madaxweyne Kim.
Waxa wararku sheegeen in labadan masuulba lagu dilay hubka lidka diyaaradda oo ay lahaayeen ciidammada Pyongyang.
Hoggaanka Woqooyiga Kuuriya, ayaa waqtiyadii u dambeeyey aad u shakisanaa, kadib markii toddobaadii u dambeeyey uu sarkaal ugu sarreeyey Safaaradda London ay ku lahaayeen uu isu dhiibay dalka ay colka yihiin ee Koonfurta Kuuriya, isagoo wata xaaskiisa iyo carruurtiisa.
Waxa kaloo laga shaki qabaa in Wasiirkii hore ee Difaaca Woqooyiga Kuuriya Mr. Hyun Yong Chol la khaarajiyey sannadkii hore, sida ay sheegeen sirdoonka Kuuriyada Koonfureed, balse lama caddayn karo arrimahan, maadaama dalka Kuuriyada Koonfureed iyo wadammada reer Galbeedku ay dacaayado xoog ah ku hayaan Waqooyiga Kuuriya.