garissa attack
Garissa(ANN)Dablay aan si dhab ah loo ogayn tiradooda oo saaka subaxnimadii hore qabsaday dhismaha Jaamacadda Garissa Universtiy College, ayaa khaarajiyay 147 ka mid ahaa Ardayda Jaamacadda, kuwaas oo ay afduub ugu qabsadeen halkaa. Sida laga soo xigtay bogga ay Twitter-ka ku leeyihiin Xarunta Qaranka ee Hawlgalka Masiibooyinka Kenya (Kenya’s National Disaster Operation Centre).
Xarunta, ayaa sheegtay in 75 qof oo u baddan aradyda dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, kuwaas oo qaarkood dhaawacooda lagu sheegay mid halis ah, isla markaana dhinaca Caasimada Niarobi loola cararay, iyadoo 587 ka mid ah Ardayda laga soo badbaadiyay dhismahaa.
Ma jiro war sax ah oo laga hayo ilaa hadda tirada rasmiga ah ee Ardayda la dilay, balse warar kale ayaa sheegaya in tirade dhimashadu intaa ka badantahay oo ay gaadhay ku dhowaad 200, iyadoo dhaawacana la sheegay inuu ka baddanyahay.
Xarakada Al-shabaab, ayaa sheegatay weerarkaa oo si weyn usoo jiitay indhaha rayal caamka dunida.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery iyo masuuliyiin kale oo saaka gaadhay dhismaha Jaamacadda Garissa Universtiy, ayaa ku tilmaamay dhacdadaa mid murigo ah, wuxuuna sheegay inay Kenya u tahay maalin murigo oo xanuun baddan.
Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru, ayaa sidoo kale ka hadlay arrintan, wuxuu ku tilmaamay mid waxashino ah oo aan loo dulqaadan Karin.
Ciidamo Milateri ah, ayaa goobta gaadhay maanta, balse waxba kamay bedelin xaalada, iyadoo la rumaysanyahay in khasaaruhu intaa ka badanyahay oo ay jiraan weli Arday lagu haysto guddaha dhismaha jaamacadda.
Weerarkan, ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Kenya, wuxuuna Kenya xusuusiyay weerarkii qaraxyada Safaarada Maraykanka ee Nairobi 1998, kaas oo 200 qof ku dhinteen.
Sep. 2013, wax dhacay Kenya weerar sidan oo kale, kaas oo ay xarakada Al-shabaab ku qabsadeen dhimaha xarunta ganacsiga ee Westgate Mall, halkaas oo ay sadex maalmood ku haysteen dad u dhashay dalal shisheeye oo dublamaasiyiin ah iyo dad Kenayan ah, balse ugu danbayntii ay si nabadgelyo ah uga baxaeen kooxdii weerarka fulisay, waxaana ku dhintay 67 qof.

Ciidamadda Kenya ayaa dagaal la galay Al-shabaab Oct, 2011. kadib markii laba qof oo ajaanib ah Al-shabaab kasoo afduubtay gudaha Kenya, kuwaas oo ay dhinaca Somalia ula soo gudbeen, balse wixii mudadaa ka danbeeyay Al-shabaab waxay weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo  ka fulinaysay gudaha dalka kenya, waxayna weeraradu noqdeen kuwo xaalada amaanka dalka Kenya wax weyn ka bedelay, iyadoo sheegtay Al-shabaab  inay weerardu jawaab u yihiin duulaanka ciidanka kenya ee gudaha Somalia.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews