abdimalikalhuti
Mukulla(ANN)Al-Qaida Yemen ee Ansaaru Shareeca, ayaa dul dhigtay Madaxyada Madaxweynihii hore Cali Cabdala Saalax iyo Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ee ay xulufada dagaal ku wada jiraan Cabdimaalik Al-Xuuti qaniimad dahab oo dhan 20kg, taas oo abaalmarin looga dhigayo cidii madaxyadooda keenta, ama soo qabata iyagoo nool.
Al-Qaida Yemen waxay sidaa ka sheegtay deegaamada ay gacanta ku hayaan ee gobolka Shiqwa ee dhinaca Bariga oo ay la wareegeen kadib markii ay todobaadkii hore xabsi ku yaal Mukulla kala baxeen maxaabiis boqolaal ah oo kaga jirtay, isla markaana qabsadeen saldhiga Milateriga ee Labaad oo ku yaal halkaa.
Maxaabiista ay kasii daayeen xabsiga waxa ku jiray saraakiil sare oo Al-qaida hore looga xidhay iyo dad kale oo qaarkood Soomaali yihiin oo xabsigaa ku jiray, kuwaas oo ay ooda ka qaadeen.
Magaalada Cadan oo dagaal xooggan ka socday labadii todobaad ee u danbeeyay, isla markaana duqayn dhinaca cirka ah lagaga waday Xuutiyiinta iyo Ciidamada Cali Cabdalla Saalax oo ay ku dagaalamayeen halkaa dhalinyaro gudiyada xaafadaha Cadan abaabuleen, ayaa wararka ka imanayaa sheegayaan in dib looga riixay. Kadib markii Saldhigii Cirka ee Al-Anad oo 60km dhinaca Woqooyi ka xiga Cadan duqayn dhinaca Cirka ah ay ku naafeeyeen Sucuudiga iyo Xulufadiisu.
Sidoo kale deegaanka Albayda iyo Daalic, ayaa gurnad uga imanayay Xuutiyiinta lagu naafeeyay, iyadoo Ansaaru shareeca dadka deegaanka ee suniyiinta garab istaagtay, isla markaana ka baaciyeen xuutiyiinta iyo xulufadooda.
Kooxda Ansaaru Shareeca ee Al-Qaida Yemen, ayaa dagaalka si toos ah u galay, iyagoo gacan siinaya dadka shacabka ah ee suniga oo malayshiyada Xuutiga iyo Ciidanka Cali Cabdala Saalax fara baas ku hayeen, waxayna taasi sababtay in dib loo riixo Xuutiyiinta iyo xulufada Cali Cabdala saalax, isla markaana gurmadkii uga imanayay dhinaca Woqooyiga laga jaro.
Dad ku sugan Cadan, ayaa u sheegay shebekada Araweelonews in ugu yaraan 22 qof, ayaa lu dhintay maanta , iyadoo 70 kalena ku dhaawacmeen. Kadib markii xuutiyiinta iyo xulufada ciidanka Cali Cabdala Saalax madaafiic ku garaaceen Crater iyo Macala oo ka mid ah Magaalada Cadan ee dekeda istiraatiijiga ah leh.
680 qof, ayaa maalmihii dagaalku socday ku dhintay, iyadoo 22,000 ku dhaacmeen, kuwaas oo inta badan duqaynta dhinaca cirka iyo madaafiicda lala beegsaday guraha ay deganaayeen maalada Cadan.
Haeenay u hadashay ICRC, ayaa waakaaladaha wararka u sheegtay in Biyihii, Cuntadii iyo Laydhkii ka go’een magaalada Cadan, isla markaana maydadka dadku daadsan yihiin shaaracyada, waxayna ka digtay xaalada halista ah ee sii socota, iyadoo markii u horaysay mudadii dagaalku socday oo dhawr todobaad ah gurmadkii u horeeyay ee caafimaad laanqayrta cas shalay halaka geysay 25 ten oo dawooyin ah oo Diini yar laga qaaday dhinaca Djibouti.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews