Darasalaam(ANN)Booliska Caalamiga ah ee Inter Pol, ayaa Gacanta ku dhigay Nin Ganacsade ah oo u dhashay Dalka Kanya, kaas oo ugu calaamadsanaa dadka caanka ku noqday ka Ganacsiga Foolka Maroodiga ee ganacsigiisa dunida laga mamnuucay.
Ganacsadaha la xidhay, ayaa magaciisa lagu sheegay Faisal Ali Mohammed, ayaa lagu eedeeyay inuu ku dhowaad Laba Ton oo Fool Maroodi ah oo ka kooban 114 xabo oo Foolka Maroodiga ah uu ka raray dekedda Mombasa ee Xeebta Dalka Kanya bishii Jun, waxaana ahaa Ninka labaad ee 9 qof oo Booliksa Interpol raadinayeen, kuwaas oo loo haysto denbiyo la xidhiidha Ganacsiga Foolka Maroodiga iyo sidoo kale Dahab iyo Dheeman si sharci-daro ah looga ganacsado.
Sarkaal u hadlay Xafiiska xeer-ilaalinta Dalka Kanya, ayaa xaqiijiyay in la xidhay ninkaa ganacsadaha ah oo ay Booliska Caalamiga ah ku xidheen magaalada xarunta u ah Tanzania ee Dar-asalaam. Lama garanayo in Ninkaa Dalka Kanya ee uu u dhashay la geyn doono iyo in sidaa Maxkamad Caalami ah lagu horgaynayo.
Dhowaan ayay soo baxday fadeexad dhinaca Fool Maroodiga ah oo la shaaciyay, taas oo la sheegay in Madaxweynaha Dalka China mar uu sanadkii hore booqasho ku tegey Dalka Kanya dhawr Ton oo Foolka Maroodiga ah ay si tuugo ah u qaateen wefdigii la socday, kuwaas oo shandado ku qaatay. Kadibna la fuulay Diyaaradii Madaxweynaha China oo wefdi baddan la socdeen booqashadiisa, balse Dawlada China, ayaa arrintaa gaashaanka ku dhufatay, iyadoo sheegtay in aanay waxba ka jirin wararka noocaa ah.
Interpol, waxa la sameeyay 1923, wuxuuna xiligaa ku bilaabmay iskaashi dhinaca denbiyada dadka isaga gudba xuduudaha dalalka, waqtigana waa Ururka Caalamiga ah ee ugu balaadhan Ururada Booliska Aduunka, waxaana xubno ka ah in ka baddan 186 Dal oo Aduunka ah.
Dalka Tansania, ayaa xubin ka noqday Booliska Caaliga ah ee Interpol 1982, wuxuuna awood u leeyahay Booliska Caalamiga ah ee Interpol inuu hawlgalo ka fuliyo dalalka xubnaha ka ah, kuwaas oo dadka denbiyada gala, ama lagu eedeeyo Denbiyada Caalamiga ah inay kasoo qabtaan dalalka ay ku sugan yihiin.
Araweelo News Network

Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com