Araweelo News Network

Moscow (ANN)Dawladda Ruushka oo ugu baaqday muwaaddiniinteeda, gaar ahaaan maalqabeennada iyo saraakiishooda sare ee ku nool dalalka Maraykanka iyo qaaradda Yurub inay sida ugu degdegga badan xamaantooda uga soo urursadaan, una soo guuraan gudaha waddankooda hooyo.
Sida lagu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, wargelin laga soo saaray qasriga looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka shalay, ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta sare ee u jooga dibadda ay qoysaska iyo carruurtooda u soo raraan dhinaca dalkooda hooyo, iyadoo farriintaasna loo turjuntay inuu soo dhaw yahay dagaal si toos ah u dhexmara waddamada reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka iyo Ruushka oo si xooggan isugu maandhaafay colaadaha ka socda Suuriya.
“Masuuliyiinta Ruushka ee dhinaca ammaanka qaabilsan ayaa laga mamnuucay inay u safraan dalalka dibadda. Waxa kale oo diblomaasiyiinta iyo madaxda sare loogu baaqay inay iibiyaan guryaha ay ku leeyihiin reer galbeedka, albaabadana u laabaan shirkadahooda waaweyn, isla markaana lacagaha iyo hantida u taal bangiyada dibadda si degdeg ah ugala soo baxaan, una soo wareegaan dalkooda hooyo ee Ruushka.” Sidaa waxa yidhi suxufi la yidhaa Ostap Karmani oo ka hadlay amarka ka soo baxay Ruushka.
Waxa uu intaa sii raaciyey, “Waxa sidoo kale loo sheegay inay carruurtooda iyo qoysaska ay jecelyihiin u soo raraan Ruushka, arrintani hore umay dhicin, waxayna muujin kartaa in la isku diyaarinayo dagaal waqti kasta dhici kara.”
Waxa kale oo warbixinaha saxaafaddu heshay tibaaxeen in Ruushku waqtigan isu diyaarinayo dagaal toos ah oo uu la galo dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, taasoo keeni karta khatar ah in la isu adeegsado hubka nukliyeerka, iyadoo la rumaysan yahay in dagaalka ka dhanka ah Ruushku u bilaabmay si aan toos ahayn xilli hore, balse Madaxweyne Putin ayaa haatan doonaya inuu ka baxo siyaasaddii ahayd is-difaaca, waxaannu geli doonaa mid weerar ah.
Colaadaha ka taagan gudaha waddanka Suuriya, ayaa sababay inuu aad u xumaado xidhiidhka u dhexeeya Ruushka iyo Maraykanka, waxayna reer galbeedku ka cadhaysan yihiin taageerada millatari ee xukuumadda Moscow siiso dawladda Madaxweyne Bashar Al-assad iyo duqaymaha khasaaraha gaystay ee ay la beegsadeen jabhadaha reer galbeedku taageerada millatari u fidiyaan.
Dhinaca kale, dawladda Ruushka ayaa diyaarisay kantaalaha qaada hubka nukliyeerka, waxaanna gantaalahaas loo qaaday goobo u dhaw xadka uuu la wadaago dalka Polland ee bariga qaaradda Yurub, halka uu sidoo kale Madaxweyne Putin joojiyey safar shaqo oo uu ku tegi lahaa Faransiiska.
Hoggaamiyihii hore ee Ruushka (Midawgii Soofiyeedka) Mr. Mikhail Gorbachev, ayaa dhawaan ka digay in adduunku qarka u saaran yahay dagaal khatar badan, kadib markii ay meel xun gaadhay xumaanta u dhexaysay dalalka Ruushka iyo Maraykanka.