ISISinyemen

Qaahira(ANN)Xukuumàdda dàlka Masar, àyaa sheegtay in General kà tirsan ciidànkooda lagu deegaànka Siinay ee dhinaca Ràfàh, hàlkaas oo malayshiyo Islaamiyiin ah ka wàdaàn dagaalo ka dhan ah dawladà Masar.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in Axmed Cabdel Satar lagu toogtay banaanka xarun booliis oo ku taala caasimadda gobolkaasi ee Al-Arish ee Woqooyiga Sinay, kaas oo noqonaya sarkaalkii labaad ee toogasho lagu dilo labadii todobaad ee u dànbeeyay.

 Septembàr horaanteedii laamaha ammaanka ee Masar ayaa gacanka Sinaay ka bilaabay hawlgalo Waaweyn  oo ka dhan ah kooxaha xidhiidhka la leh malayshiyada isku magacaaba Dawladda Islaamka ee ka dagaalamà deegaanka.

Kooxaha ka dagaalamà deegaanka Siinay iyo gudaha dàlka Masar, ayaa labadii sanàdood ee u danbeeyay dilay  boqolaal ka mid ah booliiska iyo ciidammada, kuwaas oo inta baddfan lagu dilày deegàmada Siinay.