ISISdhoolatusQahira(ANN) Dalalka Masar Qadar, ayaa isku maandhaafay duqaynta dhinaca Cirka ah ee Milateriga Dalka Masar ka fuliyeen guddaha Dalka Libiya todobaadkan, waxayna is weydaarsadeen dhaleecay kulul iyo inay Qadar u yeedho Safiirka ka jooga Qaahira.
Xukuumadda Masar, ayaa ku eedaysay Qadar inay taageerayso kooxda ISIS eek a dagaalamaya Libiya, Ciraaq iyo Suuriya, sidaa awgeed ay taageeray Al-Qaida, balse Qadar oo ay hore isugu maandhaafeen Masar arrimaha Madaxweynihii la inqilaabay ee Dalka Masar Mr. Maxamed Mursi, ayaa mar kale xiisada dublamaasiyadeed ee u dhaxaysaa soo baxday markii ay Todobaadkan duqaysay gudaha Dalka Libiya oo 21 Masaari Kiristan ah lagu dilay.
Dhinaca kale Kooxda dawladda Islaamiga ah ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya (ISIS), ayaa isku ballaadhisay gudaha waddanka waqooyiga Afrika ku yaal ee Liibiya, kuwaas oo dhoola-tus ku soo bandhigay awoodooda, kadib markii ay qoorta ka gooyeen 21 qof oo ahaa kiristaan reer Masar ah.
Muuqaal lagu baahiyey internet-ka, lana soo bandhigay shalay, ayaa si faahfaahsan loogu muujiyey awooda kooxda ISIS ee ku leeyihiin gudaha dalka Liibiya, iyadoo muuqaalkaas laga arkay in ka badan 40 gaadiidka dagaalka ah oo is daba socday, kuna wareegay jidadka waaweyn ee magaalada Benghazi oo ah caasimadda labadaas ee waddanka Liibiiya, kuwaasoo sitay sameecado ay dadka ku amrayeen inay taageeraan hoggaamiyaha kooxda ISIS Abu Bakri Al-baghdadi, kaasoo amiirkiisa xukunka Liibiya u magacaabay Ali Al-Qarqaa, isla markaana ka taliya magaalooyin badan oo dalkaas ah.
Warbixino lagu baahiyey qaar ka mid ah wakaaladaha wararka caalamiga ah, isla markaana ay soo saareen khubaro falanqeeya arrimaha ammaanka dalalka waqooyiga Afrika, ayaa lagu sheegay in kooxda ISIS si xoogan uga go’an tahay inay joogtayso, sarena u qaado awoodooda dalka Liibiya oo ay aaminsan yihiin inay ka heli karaan dagaalyahanno badan oo daacad u noqda, kana soo horjeeda dalalka reer galbeedka oo xoog xukunka uga qaaday hoggaamiyihii Liibiya Muammar Gaddafi saddex sanno ka hor.
Ururo iyo kooxo hubaysan oo ka jira gudaha dalka Liibiya, ayaa iyaguna go’aansaday inay ku biiraan dawladda Islaamiga ah ee ISIS, kuwaasoo kala ah; kooxda Ansar Al-sharia, Libya Dawn, Islamic Youth Shura Counsil (Golaha shuurada da’yarta islaamka ah), waxayna ballanqaadeen inay awoodooda xoojin doonaan si loo abuuro maamul ballaadhan oo ay ku yeeshaan dalalka waqooyiga Afrika.
Ururrada islaamiga ah iyo kooxda ISIS, ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan, kana arrimiyaan inta badan magaalooyinka ku yaal xeebta dalka Liibiya oo ay ka mid yihiin Nofaliya, Benghazi, Derna, Sirte iyo degaanno badan oo ka baxsan xeebaha dalkaas, iyadoo arrintaasina cabsi xooggan ku hayso dalalka qaaradda Yurub oo dhinaca badda xad kala leh Liibiya, gaar ahaan dalka Talyaaniga, kuwaasoo ka cabsi qaba in dagaalyahannada ISIS si dhib yar gudaha ugu galaan Yurub, kana fuliyaan weeraro khasaare sababa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews