Amedy CoulibalyParis (ANN) Mid ka mid ah saddex nin oo Muslimiin hubaysan ah oo weerraro argagixiso ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof ka fuliyey dalka Faransiiska toddobaadkan, ayaa la soo saaray farriin muuqaal ah oo uu iska duubay ka hor intii aannu ku dhiman hawlgal ciidammo Kamandows ahi ku qaadeen maalintii Jimcihii.
Ninkan oo magaciisa la yidhaa Amedy Coulibaly oo isagu afduub ku qabsaday dukaan Yuhuud leedahay oo ku yaal magaalada Paris ee xarunta Faransiiska, halkaas oo uu ku dilay afar qof oo ka mid ahaa dadkii ku jiray meheradaasi, ayaa farriin muuqaal ku saabsan dardaarankiisa iyo sababta uu weerarkaasi u qaaday oo uu iska duubay lagu baahiyey baraha bulshadu ku wada xidhiidho sida Twitter, waxaanna filimkan uu iska duubay isagoo xidhan dharka dhaqanka Islaamka ah sida Khamiis iyo cumaamad uu madaxa ku duubtay, garabkiisana uu yaal qori nooca AK47 ah, isla markaana gidaarka ka dambeeya uu ku dhejisanyahay calanka madow ee lagu yaqaan ururka Al-qaacida iyo kooxaha ay isku mabda’a yihiin.
Waxa uu ugu horayn akhriyey aayado ka mid ah Kitaabka Qur’aan Kariimka ah oo Ilaahay ku waajibiyey jihaadka iyo abaalmarinta dadka mujaahidiinta ahi ka helayaan Ilaahay agtiisa.
“Waxaan u soo baxay in aan ka hortago booliska si ay arrintani u yeelato saamayn, waxaannuna maaraynay in aannu isku mar iyo waqti bilowno jihaadkayaga.
Falka aannu samaynay waa mid gebi ahaanba waafaqsan sharciga, una dhigma ficillada ay samaynayaan (Faransiisku) muslimka, haddii aad weerartaan dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS), annaguna waanu idin weerari doonaa idinka iyo xulafadiinaba, waxaad si joogto ah u duqaysaan muslimiinta, kuna dishaan dad rayid ah, dagaalyahanno, sababta keliya ee aad ku bartilmaameedsanaysaana waa shareecadda Islaamka ee ay isku maamulayaan,” ayuu yidhi Amedy.
Ninkani waxa uu xusay inay wadashaqayni ka dhaxaysay isaga iyo labadii nin ee walaalaha ahaa, kuwaasoo weerar ay ku qaadeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo ee lagu aflagaadayn jiray Nebbi Muxamed, halkaasoo ay ku dileen 12 qof oo u badan suxufiyiin.
“Maxaad qabanayseen markii sida xun loo aflagaadaynayey Nebbigayaga (SCW)? (sawir-gacmeedyadii ku soo bixi jiray wargeyskii la weeraray), maxaad qabanayseen markii hablahayga la kufsaday ee umad dhan la xasuuqay,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo uu sheegay inuu yahay askari ka tirsan kooxda ISIS, waxannu fariintiisa ku sharraxay qaabka uu u weerarayo dukaanka Yuhuuddu leeyihiin ee uu marka dambe afduubka ku qabsaday. Waxaannu uga digay dalalka reer galbeedka inay isku qanciyaan maamulka adduunyada inay iyagu haystaan, waxaannu yidhi, “Idinka ayaa isku haysta inaad go’aamisaan waxyaabaha ka dhacaya adduunka. Ma sidaas aad u haysataan baa? Maaha sidaas, annaguna idiin ogolaanmayno inaad sidaas samaysaan, waanuna idinla dagaalami doonaa Isha Allaah.”
Waxa kaloo uu farriintiisa ninkaasi ugu hanjabay Faransiiska inay jiraan rag kale oo muslimiin fara badan ahi inay diyaar u yihiin difaacidda diinta Islaamka, “Annagoo haysana malaayiin rag dhallinyaro ah, maxaa noo diidaya in aannu difaacno Nebbi Muxamed,” ayuu yidhi Amedy Coulibaly.
Haseyeeshee, Xeer-ilaalaha guud ee dalka Faransiiska ayaa ku baaqay in farriintan muuqaalka ah laga saaro internetka, isagoo ku dooday inuu dhiirigelinayo muslimiin kale oo badan.
Dhinaca kale, waxa aad loo adkeeyey ammaanka goobaha dadka Yuhuudda ah ku nool yihiin ee magaalada London, iyadoo la dhigay ciidan iyo gaadiid ay leeyihiin kooxo Yuhuud ah oo qaabilsan ammaanka muwaadiniintooda ku dhaqan dalalka dibadda.
Gaadiidkan oo si wayn ugu muuqaal eeg baabuurta booliska, laguna xardhay erayo Yuhuudda u gaar ah, ayaa la dhigay hareeraha jidadka iyo xaafadaha dadka Yuhuuddu ku nool yihiin.
Geesta kale, in ka badan hal milyan oo qof, ayaa ka qaybgalay bannaanbax ballaadhan oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, iyadoo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen madax iyo masuuliyiin badan oo ka socday dalalka adduunka, kuwaas oo socod baroor diiq ah ku maray waddooyinka magaalada Paris ee dalka Faransiiska si ay midnimo iyo damqasho ugu muujiyaan dadka Faransiiska, kadib dilkii 17 qof ay saddexda nin muslimiinta ahi ku khaarajiyeen weerraro socday saddex maalmood.
Madax fara badan oo ka kala socotay guud ahaan qaaradda dunida oo dhan ayaa ka qaybgalay isu-soo-baxa baroordiiqda ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin; inta badan kuwa dalalka Yurub sida Ra’iisal-wasaarayaasha Jarmalka, Ingiriiska, Talyaaniga, Isbayn, Xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanka, Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil iyo Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Boqorka dalka Jordan, madaxda Qadar, Imaaraadka iyo Baxrayn, halka hoggaamiyayaasha qaaradda Afrikan ee joob-joogga ka ahaa ay ku jireen madaxweynayaasha dalalka Maali, Gaboon, Nayjeeriya, Benin iyo wasiirrada khaarajiga ee Tuunisiya iyo Aljeeriya.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com