suxufiyad turki ahAnkara(ANN)Xeer-ilaalinta dalka Turkiga, ayaa xadhig 5 sanno ah la raadinaysa haweenay suxufiyad ah oo boggeeda Twitterka ku sheegtay musuqmaasuq baahsan oo dawladdu gashay, kaasoo naxdin ku abuuray hay’adaha kala duwan ee xukuumadda waddankaas.
Weriye Sadef Kabas oo ah suxufiyad wararka tebisa, ayaa lagu xukumay in ay bartilmaameedsatay adeegyada dawladdu shacabka u qabato iyo la-dagaallanka argagixisada sida lagu daabacay wakaaladda Wararka ee Dogan News Agency.
“Sidaan ka fahmay waxa ay xambaarsan tahay farriinta Twitterka way caddahay, wax shaki ahna kuma jiro in Kabas u hanjabtay is-difaaca (xukuumadda), iyadoo u sheegtay in ay sharafta ka dilayso,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka wakaaladda Dogan lagu qoray.
Booliska ayaa gacanta ku dhigay weriye Kbas bishii hore, kadib markii ay hawlgal ku qaadeen gurigeeda, iyagoo qaaday kombuyuutarkeeda, telefoonkeeda iyo Ipad ay leedahay.
Xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in haweenaydan kiisku ku cad yahay, xadhiggeeduna noqonayo 5 sanno.
Sababaha loo haysto suxufiyaddan waxa ka mid ah musuqmaasuq baadhitaankiisa la bilaabay 2013-ka, kaasoo lagu eedeeyey in xukuumadda Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan y ku kacday.
Xeer-ilaalinta Turkiga ayaa bishi October 2014 kiiska ay 53 qof ku oogtay oo kan qayb ka ahaa dib ula laabatay, kadib markii ay caddaymo u waayeen, waxana ku jiray wiilal ay dhaleen wasiirro.
Madaxweyne Erdogan, ayaa awood u yeeshay inuu baadhitaankan sameeyo, kawaas oo lagu helay kumanaan boolis iyo garsoorayaal ah, lana mariyey ciqaabta ay mutaysteen iyo xadka dambiga ay gaysteen inta uu le’eg yahay.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com