cidmadabritainParis(ANN)Dawladda Faransiiska, ayaa cabsi ay ka qabto weerarro kale oo qorshaysan ka dhacaan gudaha dalkooda diyaarisay 10,000 askari oo si gaar ah u tababaran, kuwaas oo loo xilsaaray inay heegan culus u galaan, isla markaana raadiyaan cid kasta oo ku hawlan falal liddi ku ah ammaanka waddankooda.
Dalka Faransiiska oo dhammaadkii toddobaadkan ay ka qarxeen weeraro qorshaysan oo dagaalyahanno islaamiyiin ah ku dileen 17 qof oo u badan suxufiyiin ka tirsanaa wargeys la yidhaa Charlie Hebdo oo daabacay 2006 sawir-gacmeed Nebi Muxamed (NNKHA) lagu aflagaadaynayo, ayaa Ra’isal-wasaare Valls sheegay in ciidammada dawladdiisu waqtigan ku jiraan heegan aad u sarreeya oo lagu sugayo amniga.
Millateriga iyo booliska Faransiiska oo cududooda u adeegsaday, isla markaana Jimcihii toddobaadkan dilay saddexdii nin ee weerarka qorshaysan ka fuliyey dalkaas waxay keentay in ammaanka si adag loo ilaaliyo, dhammaan dariiqyada caasimadda Paris-na la tubo ciidan si gaar ah u tababaran.
Sidoo kale, dawladda Faransiisku waxay 5,000 ciidanka ammaanka ah iyo boolis isugu jira u diyaariysay in ay si gaar ah u ilaaliyaan 700 dusgi oo Yuhuudleedahay oo dalkaas gudihiisa ku yaal.
Wasiirka Difaaca Faransiiska Mr. Jean-Yves Le Drian, ayaa sheegay in ciidanka tirada badan ee heeganka la galiyey la gayn doono goobaha ay ku tuhmayaan in khatar badan ka soo bixi karto, weerarro argagixisana laga samayn karo.
Geesta kale, dawladda Ingiriiska ayaa iyaduna ciidammadeeda la-dagaallanka argagixisada u diyaarisay tababar ku saabsan ka-hortagga weerarro la mid ah kuwii gilgilay caasimadda Faransiiska ee Paris toddobaadkii hore.
Ra’isal-wasaaraha Ingiriiska Mr David Cameron, ayaa kulan la yeeshay saraakiisha sirdoonka shalay, isagoo ku amray in ay feejignaan galaan si looga hortago khataro argagixiso oo Ingiriisku ka cabsi qabo inuu dalkooda ka dhaco.
Mr. Cameron waxa kaloo uu ciidammada booliska iyo millateriga ku wargeliyey inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sugidda ammaanka, isagoo ciidanka la-dagaallanka argagixisadana faray inay millateriga degdeg ula hadlaan haddii ay dhaqdhaqaaqyo halis ah ka war helaan.
“Kulankaas waxa la isku waafaqay in tababar la siiyo ciidanka, gaar ahaan hay’adaha ay khusayso arrimaha amnigu, waxana si gaar ah loogu tababarayaa sidii ay uga hortagi lahaayeen dhacdadii ka dhacday Paris oo kale inay ka dhacdo magaalooyinka dalka Britain.” Sidaa waxa mid ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya hay’adda ammaanka ee Ingiriiska.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com