araweelonews-300x168Paris(ANN)Weeraro kale oo lagu khaarajiyay saraakiil Booolis ah, ayaa ka dhacay dalka Faransiiska maaalin ka dib markii Arbacadii 7 January oo shalay ahayd Koox hubaysan oo Islaamiyiin ah weerar qorshaysan ku qaadeen Xarun uu leeyahay Wargeys Todobaadle Magazine Faransiis ah oo lagu magcaabo Charlie Hebdo (Charlie Weekly), kaasoo Sawir gamceedyo iyo qoraalo uu daabaco ku Aflagaadeeya Nebi Maxamed NNKHA.
Weerarka labada Sarkaal ee Booliska oo ka dhacay meesha lagu magcaabo Montrouge neighborhood oo ah goob ay ku bafan yihiin dukaamadda waaweyn iyo goob laga raaco gaadiidka, Labada sarkaal ee Booliska ah oo mid uu yahay Haweenay, ayaa sida warbaahinta Faransiisku sheegtay waxa la dilay xili ay baadhitaan ka waday goob Tareenka laga raaco, waxayna wararka hordhaca ah sheegayaan in ay dileen Laba Nin oo hubaysan, kuwaas oo kadibna baxsaday.

 

Haweenayda Booliska ah iyo Sarkaalka kale, ayaa dilalka lagu khaarajiyay kusoo beegmeen xili ay Booliska iyo Hay’addaha Amaanka ee Faransiisku ku mashquulsan yihiin baadhitaanka la doonayo in lagu soo qabto raggii fuliyay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Paris ee lagu khaarajiyay 12 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen saraakiil Boolis kadib markii Weerarka lagu qaaday Xeunta Wargeyska, halkaana ku khaarajiyay 12 qof oo ay ku jiraan Tafaftirihii Wargeyska, Sawirlayaashii samayn jiray Kartuunka iyo Laba sarkaal oo Boolis ah oo ilaalainayay goobta, iyadoo 5 qof oo kale ku dhaawacmeen weerarka oo kooxda Dablayda oo tiradooda lagu sheegay saddex qof markaa ka dib ka baxsadeen goobta.
Warbaahinta Faransiiska, ayaa qaarkood sheegeen in dhinaca Woqooyi Bari ee Faransiiska lagu arkay rag hubaysan oo boobay kaalin shidaal, waxayna sheegeen inay markaa ka dib dhinaca deegaanka lagu magcaabo Renault Clio uga gudbeen dhinaca Paris, iyagoo qaatay sahay baddan iyo shidaal.
Booliska, ayaa sheegay inay raadinayaan laba Nin oo walaalo ah, kuwaas oo ay magacyadooda ku sheegeen Said Kouachi, 34 jir ah, walaalkii Cherif oo 32 Jir ah. Labadaa nin oo sanadkii 2008, lala xidhiidhiyay Kooxaha Argagixisada.
Caasimadda Farnsiiska ee Paris, ayaa si weyn amaankeeda loo adkeeyay, waxaana dariiqyada taagan Booliska oo baadhaya gaadiidka, kuwaas oo raadinaya dablayda fulisay weerarkii shalay ee xarunta wargeyska Charlie Hebdo (Charlie Weekly).

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com