yatullah Ali KhameneTehran (ANN)Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatullah Ali Khamenei, ayaa warqad u diray madaxweynaha waddanka Maraykanka Barack Obama, taasoo la sheegay inay qayb tahay arrimaha nugliyeerka Iran.
Sida lagu daabacay wargeyska The World Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee waddanka Iran oo ah awooda ugu saraysa dalka Iran, ayaa warqadiisa ku soo bandhigay xad-gudubyo uu sheegay in dalka Maraykanku ku sameeyey dadweynaha reer Iran lixdankii sanno ee la soo dhaafay.
Diblomaasiyiin u dhashay dalka Iran, ayaa sheegay in qoraalka hoggaamiyahooda sare yahay mid jawaab u ah warqad uu ka helay madaxweynaha Maraykanka bishii October 2013, taasoo la xidhiidhay wadahadalka arrimaha nugliyeerka iyo sidii Maraykanka iyo Iran iskaashi uga yeelan lahaayeen dagaalka ka dhanka kooxda islaamiga ah ee ISIS oo ka hawlgasha dalalka Ciraaq iyo Suuriya, taasoo sidoo kale xambaarsanayn in xal laga gaadho arrimaha nugliyeerka ee dalka Iran.
Dalalka Maraykanka iyo Iran, ayaa si rasmi ah jawaab iyo faahfaahin uga bixin qoraalada ay is-weydaarsadeen hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatullah Ali Khamenei iyo madaxweyne Barack Obama, balse, sida xogaha saxaafaddu heshay muujiyeen, qoraalka hoggaamiye Ayatullah ayaa ahaa mid u qoran qaab ixtiraam iyo xushmad leh, isla markaana farta ku fiiqay cadaawada Maraykanku u hayo dalka Iran oo uu xusay in aan wax faa’iido ah laga gaadhi karin.
Hoggaamiyaha sare ee Khamenei oo ah cida talada ugu dambaysa ee dalka Iran ka go’do, ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku xusay in isku soo dhawaansho iyo heshiis laga gaadho arrimaha nugliyeerku noqon karaan tallaabo horumar ah, isagoo tilmaamay in aanay marna dadweynaha reer Iran ka tanaasuli doonin xaqa ay u leeyihiin samaynta quwada nugliyeerka rayidka ah oo dhinaca tamarta loo adeegsanayo.
Dalka Iran, ayaa wadahadal kula jira waddamada Ingiriiska, Shiinaha, Faransiiska, Maraykanka, Ruushka iyo Jarmalka, wadaxaajoodkaas oo ujeedadiisu tahay sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka nugliyeerka ee u dhexeeya dalalka reer galbeedka iyo waddanka Iran, iyadoo dhinaca kalena Iran oo ah dal shiico ah, waqtigan isku balaadhinay dalalka Gasiirada Carabta iyo Shaam.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com