FergusonNew York(ANN) Ferguson oo ay kumanaan ka mi ah Dadka Madaw ee ku nool ka bilaabeen debedbaxyo rabshada wata oo lagaga soo horjeedo go’aan ay kusii daayeen Xeer-beegtida loo saaray Askari Cadaan ah oo lagu magcaabo Darren Wilson oo ku eedaysnaa in uu toogasho ku dilay Wiil yar oo magaciisu ahaa Michael Brown, kaas oo aan sidan wax hub ah, isla markaana qayb ka ahaa mudaharaadyo bishii Augst ka dhacay halkaa.

Xeer-beegtida loo saaray arrinta Dilkaa, ayaa go;aankooda ku sheegay in Darren Wilson aan loo raaci karin wax dambi ah oo la xidhiidha dilka Michael Brown oo ahaa wiilka dhlinyarada ee madawga ahaa.

Go’aanka Xeer-beegtiga oo soo baxay Isniintii Xalay, wax aka dhashay Mudaharaadyo rabashada wata oo ay sameeyeen Dadka madawga ah eek u dhaqan Gobolka Missouri, kuwaas oo dab qabadsiiyay dhismayaal baddan, isla markaana gubay gaadiid, waxayna shaaracyada isugu soo baxeen iyagoo wata Hub, Dhagxaan oo ku dhawaaqaya weedho ay ku diidan yihiin go’aankaa oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanyn cadaaladda.

Madaxweyne Obama oo ka hdlay rabshadahaa, ayaa ugu baaqay dadka in ay is dejiyaan, wuxuuna sheegay in dib loo eegayo waxa dhaliyay cadhada weyn ee qowmiyada uu kasoo jeedo, marka laga reebo go’aanka Xeer-beegtiga oo sida uu sheegay aanay xaq u lahayn in ay fara geliyaan.

Hase yeeshee Dadka ayaa dhegaha ka furaystay, waxayna sheegeen in ay sii wadayaan Mudaharaadyada ilaa inta ay ka arkayaan in cadaaladda loo soo laabtay oo ay meesha ka baxayso midab kala sooca iyo takoorka.

Boqolaal Ciidamada Booliska ah ayay is waajaheen dadka cadhaysan, kuwaas oo ay fooda is dareen, waxaana la maqlayay rasaas ka dhacay meelaha rabshaduhu ka socdaan, taas oo ay Boolisku sheegeen in aanay iyagu ridin ee ay dadka mudaharaadayadaa ridayeen.

Madaxa Boolkiiska ee St Louis, Jon Belmar, ayaa sheegay in Ferguson ay ka dhaceen dibadbaxyadii ugu xumaa tan iyo markii wiilkaasi la dilay bishii August ee sanadkii hore, waxayna Boolisku xabsiga u taxaabeen ku dhowaad 30 qof.

Rabshadaha mudaharaadyada ayaa u gudbay Magaalooyinka kale ee Maraynka sida New York , Oakland iyo Chicago oo ah kuwa ay Madawgu ugu baddan yihiin.
Qoyska dhalay Wiilka yar ee la dilay, ayaa sheegay in aanay weligood aqbalayn go’aankaa, waxaana markaa ka dib warbaahinta la hadlay Benjamin Crump oo ah Garyaqaanka u doodaya Qoyska laga dilay wiilka, isagoo sheegay in aanay aqbalayn go’aankaa oo ka fog cadaaladda sida uu ku dooday, isla markaana ay u gudbinayaan Maxkamadda Federaalka ee sare.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com