paris2Paris(ANN)Booliska Magaalada Paris , ayaa xaqiijiyay inay dileen Said Kouachi, 34 jir ah iyo walaalkii Cherif oo 32 Jir ah, kuwaas oo ahaa raggii fuliyay weerarkii Arbacdii lagu khaarajiyay 12 qof ku dilay xarunta wargeyska Charlie Hebdo (Charlie Weekly). Labada Nin ayaa ku dhintay hawlgal ay Booliska Faransiisku ku fuliyeen Madbacad ay labadaa Nin afduub ugu haysteen maanta saacado baddan dad oo ku taal Paris.
Xaalada magaalada Paris, ayaa gebi ahaanba is bedeshay, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in laba goobood oo kala duwan lagu haysto dad ay kooxo hubaysan ku qabsadeen maanta, iyadoo Boolisku awoodi waayeen inay xaqiijiyaan dadka wax afduubay tiradooda iyo afduubayaasha marka laga reebo inay shaaciyeen in dhisme madbacad ah ay qabsadeen Labadaa Nin ee walaalaha ah iyo goob kale oo ahayd Supermarket oo dad loogu haystay afduub, kuwaas oo aan tiradooda la shaacin.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com