nukliyeerka RushkaMoscow(ANN)Madaxweynaha dalka Ruushka Mr. Vladimir Putin, ayaa qallinka ku duugay digreeto millatari oo ciidanka waddankiisa awood u siinaysa inay hubka halista ee wax gumaada oo nukliyeerku ku jiro u adeegsadaan waddamada xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO haddii ay isku dayaan inay weerar ku qaadaan dalkiisa.
Dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO oo ay ka mid yihiin waddamada qaaradda Yurub iyo Maraykanka, ayaa intooda badan xidhiidhka u jaray Ruushka, kuna soo rogay cuno-qabatayn, kadib markii lagu eedeeyey inuu farogelin ku hayo qaybo ka mid ah Ukraine, arrintaasoo halkii ugu xumayd gaadhsiisay xidhiidhka dalka Ruushka iyo dalalka kale ee reer Galbeedka, kuwaasoo millatari xooggan dhoobay waddamo daris la ah Ruushka, si cadaadis loogu saaro xukuumadda Moscow.
Haseyeeshee, madaxweyne Vladimir Putin oo xafiiltan xooggan kula jira dalalka reer galbeedka, ayaa digreeto millatari saxeexay maalintii Jimcaha ee toddobaadkan, isagoo ciidammadiisa ku amray inay boodhka ka tumaan hubkooda halista oo ay ku jiraan gantaalaha isaga goosha qaaradaha, hubka kiimikada iyo gantaalaha xambaara madaxyada nukliyeerka, iskuna difaacaan haddii Isbahaysiga NATO qaadaan tallaabooyin lagu gardarraysto Ruushka iyo dalalka ay xulafada yihiin.
Dalka Ruushka, ayaa tilmaamay in cadawgiisa ugu xun ee xillagan yahay Isbahaysiga NATO, taasoo dedejisay in madaxweyne Putin saxeexo digreeto ciidankiisu ku adeegsan karo hubka nugliyeerka haddii loo baahdo, arrintaasoo abuurtay cabsi laga qabo in Ruushku isticmaalo awoodiisa millatari si uu meesha uga saaro cuno-qabataynta lagu soo rogay iyo go’doominta ay ku soo rogeen Maraykanka iyo xulafadiisa Yurub.
Dhinaca kale, Isbahaysiga NATO oo argagax ka qaaday digreetada madaxweynaha Ruushku saxeexay in ciidankiisu hubka nukliyeerka adeegsadaan, ayaa sheegay in aanay jirin wax cadaawad ama hadidaad ah oo dalalka NATO xilligan ku hayaan Ruushka.
“Isbahaysiga NATO wax dhibaato ah hadda kuma hayaan Ruushka, laakiin cidda dhibka iyo xad-gudubka wadaa waa xukuumadda madaxweyne Putin, annaguna waxaannu ku jirnaa is-difaac iyo in aannu dalalka xubnaha naga ah ilaalinon.” Sidaa waxa tidhi haweenay la yidhaa Oana Lungescu oo u hadashay NATO shalay.
Dhibaatooyinka ka taagan bariga qaaradda Yurub, gaar ahaan dalka Ukraine, ayaa laga cabsi qabaa inay abuuraan isku dhacyo millatari oo dhexmara Ruushka iyo dalalka NATO, balse waxa suurtogal ah in Ruushku adeegsado hubkiisa nugliyeerka haddii weerar lagu qaado.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com