Recep Tayyip Erdogan

Recep Tayyip Erdogan

Ankara(ANN)Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa cadeeyey sida uu uga xun yahay diyaaradii dagaalka ee Ruushka lahaa ee Ciidamada Turkigu ku soo rideen, meel u dhow xadka Suuriya.

Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday inuu raali-galin bixiyo, balse wuxuu Mr. Erdogan ka sheegay kulan meel fagaare ah ka dhacay inuu jeclaan lahaa in aanay dib danbe u dhicin wixii dhacay iyo dib dambe in aysan u dhicin.

Dhinaca kale Turkigu wuxuu sheegay in ay heleen maydka duuliyihii Ruushka ee dhintay markii diyaaradisii lagu soo riday meel u dhow xadka Suuriya, kadib markii ay toogtay oo ay dileen fallaagada reer Suuriya, isagoo ka booday diyaaradii uu duuliyaha ka ahaa, taas oo gantaal ku dhuftay Turkigu, waxaana hadda la diyaarinayaa sidii Ruushka loogu wareejin lahaa meydka duuliyaha.

DuuliyihiiRuushkaeeladilay

Duuliyihii kale ee diyaarada saarnaa ayaa la badbaadiyay, arrintan ayaa xiisad xoog leh ka dhex abuurtay Ruushka iyo Turkiga oo kala taageera dhinacyada isku haya Suuriya, waxayna sababtay in Dalka Ruushku dhaqangeliyo xayiraado dhaqaale oo aargoosi ah oo ka dhan ah Turkiga, kuwaas oo Madaxweynaha Ruushku ku dhawaaqay Jimcihii todobaadkan, iyadoo Xukuumadda Rashia weli qorshaynay xayiraado dhaqaale oo ka dhan ah Turkiga in ay qaado,waxayna hore u xayirtay safaradii dadka dalxiiska ku tagayay Turkiga.
Labada dhinaca, waxay warbahinta isu mariyeen weedho xajiimo leh, wixii ka danbeeyay markii xiisadan ka dhalatay Diyaaradu soo dhexgashay, waxaana labada dhinac loogu baaqay inay is dejiyaan oo ay is xakameeyaan.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380