Recep Tayyip Erdogan
Ankara (ANN)Madaxweynaha dalka Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan, ayaa markii ugu horraysay qiray inuu dareemayo inuu siyaasad ahaan ka tarkooran yahay dunida inteeda kale, isagoo xusay in aanu dan ka lahayn haddii dunida kale siyaasad wanaagiisa ka soo hor jeedo.
Madaxweyne Erdogan oo la hadlayey suxufiyiin waqti uu safar ku joogay Latin America, ayaa sheegay in marka uu ka hadlayo arrimaha dunida si xun ay u dhaleeceeyaan hoggaamiyeyaasha dunidu, balse aanu cidna dan ka lahayn inta shacabkiisu taageersan yahay.
“Dan kama lihi in aan kaligay siyaasadda ku noqdo marka la eego indhaha dunida, waxa muhiimka ah waa sida dadku ii arkaan, waxaan arkaa marka aan doorashadda madaxweynaha ku jiray in dadku garabkayga taagan yahay, mana jir takoor amma kelinimo waddamada kale kaaga imanaya marka dadkaagu ku taageersan yahay. Laga yaabaa in inuu jiro takoor igaga yimaad xagga hoggaamiyayaasha caalamka, gaar ahaan reer galbeedka, laakiin waxba ilama aha aniga,” ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan.
Madaxweyne Erdogan wuxuu tusaale u soo qaatay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu sheegay inuu ka mid yahay dadka neceb siyaasadiisa, isagoo xusay in xidhiidhkoodu markii hore wanaagsanaaday, balse uu is beddelay, waxaannu yidhi; “Waxaan xidhiidh wanaagsan la lahaa Obama markii ugu horraysay ee uu xilka la wareegay, xataa waxaannu ku kulanay Guriga Cad annagoo qoys ah, kulanno kaligayo ah baannu wada yeelan jirnay, balse wixii ka dambeeyey arrimuhu si aanan fahmi karin bay isu beddeleen.”

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com