abdirabomansoor3
Aden(ANN)Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Yemen Cabdiraboo mansuur Haadi, ayaa gaadhay magaalada Koonfurta ee Cadan kadib markii laga soo daayay xabsi guri uu ku jiray tan iyo markii Malayshiyada shiicada ee Xuutiyiintu qabsadeen magaalada caasimada ah ee Sanca dabayaaqadii Sep 2014, taas oo khasab ka dhigtay inuu is casilo.
Madaxweynaha Xukunka laga tuuray oo si weyn loogu soo dhoweeyay markii uu gaadhay maanta magaalada Cadan ee dhinaca Koonfurta uu kasoo jeedo, ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay inuu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dalka, isagoo ugu baaqay Malayshiyada Shiicada inay iskaga baxaan caasimada Sanca, isla markaana ay ixtiraamaan heshiiskii ay hore u gadheen ee ay wadamada Khaliijku doorka weyn ku lahaayeen.
Cabdaraboo Mansuur, ayaa ku jiray xabsi guri muddo ka baddan Lix todobaad markii Malayshiyada Xuutiyiintu xoog ku galeen magaalada sanca, isla markaana inqilaabeen xukuumaddii uu Madaxweynaha ka ahaa, iyagoo gebi ahaanba kala diray Baarlamaankii dalka, isla markaana sameeyay gole ay iyagu maamulaan, balse hoggaamiyayaasha siyaasada dalka Yemen iyo qabaa’ilka, ayaa gaashaanka ku dhuftay qorshaha siyaasadeed ee shiicada xuutiyiinta, waxaana xaalada dalka Yemen noqotay mid fawdo ah oo cabsi weyn kusoo kordhisay mandaqada.
Dhex-dhexaadin Ergayga Qaramada Midoobay u wakiishay Dalka Yemen isku deyay marar kala duwan inuu ku qanciyo dhinacyada in meel dhexe laysugu yimaado, ayaa guuldaraystay, waxaana ugu danbayntii maalintii shalay lasoo saaray qodobo kulan dhinacyada siyaasada dalka Yemen ay yeesheen oo uu Wakiilka Qaramada Midoobay guddoominayay, balse qodobadaa oo ay ugu waaweynaayeen in la kordhiyo baarlamaanka, taas oo nuxurkeedu ahaa in Xuutiyiinta tiro loogu daro iyo in la dhiso dawlad ku meelgaadh ah, waxa gaashaanka ku dhiftay hoggaamiyayaasha siyaasada, iyagoo ku eedeeyay ergayga inuu la saftay Malayshiyada shiicada ah ee Xuutiyiinta.
Qabsashada Sanca ee Xuutiyiinta, waxa si weyn u canbaareeyay wadamada Khaliijka, iyadoo marar baddan loo diray baaq nabadeed oo Maraykanka iyo Qaramada Midoobay kaga yimi, balse dhawaaqyadaa oo dhan, ayaa noqday kuwo Malayshiyada Xuutiyiintu ka furaysteen dhegaha.
Dalka Yemen waxa si xoogan uga jira Ururka Al-Qaida oo xidido adag ku leh Qabaa’ilka suniyiinta ee u baddan bulshada Yemen, waxayna maalintii doraad kooxda Ansaaru Shareeca wal qaanuun oo lala xiidhidhiyo garabyada gasiirada carabta ee Al-qaida qabsadeen xero Milateri oo saldhig u ahayd guutada 19aad ee Ciidamada dalka Yemen, taas oo ku taalay dhinaca gobolka Koonfur bari ee Xadramoot, iyadoo ay gebi ahaanba la wareegeen hubkii yaalay saldhigaa oo laga cabsi qabay inuu gacanta u galo Malayshiyada Xuutiga oo inta baddan gurtay hubkii ciidamada dalka Yemen iyo kaydkii xeryaha Milateriga markii ay qabsadeen Sanca.
Xaalada, ayaa u muuqata mid dalka Yemen usii wadda dhinaca fowdada iyo colaadaha, waxaana laga cabsi qabaa inay marto wadadii Somalia, balse weli waxa socda dedaalo aan rajadoodu sidaa u buurnayn oo la doonayo in xaalada lagu dejiyo, isla markaana meel dhexe laysugu yimaado si loo badbaadiyo qaranimada Yemen ee ay Malayshiyada Shiicadu sababeen inay dhulka ku dhacdo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews