Benjamin NetanyahuTel Aviv (ANN)Raysalwasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa baaq guul u ah kooxaha islaamka ah u diray guud ahaanba dadka Yuhuudda ah ee ku nool dalalka qaaradda Yurub.
Benjamin Netanyahu oo hadal ka jeediyey fadhi Golaha Wasiirrada Israa’iil yeeshay shalay, waxa uu ku baaqay in dhammaanba dadka Yuhuudda ah ee jooga dalalka Yurub ka baxaan, una guuraan waddankooda Israa’iil, isagoo xusay in aanay Yuhuuddu wax ammaan iyo tixgelin ah ku helayn Qaaradda Yurub.
“Dadka Yuhuudda ah ee ku dhaqan dalalka Yurub waa inay hadda laga bilaabo u guuraan dhinaca waddanka Israa’iil, waxa batay dilalka iyo cunsuriyada lagu hayo bulshooyinka Yuhuudda, waxaana dhacday in kooxaha xagjirka ah ee muslimiinta argagisixada ah ay weeraro ku hayaan dalalka Yurub, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsanayo dadka Yuhuudda ah, laguna dhibayo ciidda qaaradda Yurub, sababta qudha ee lagu dilayana waa Yuhuudnimadooda,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaare Netanyahu.
Golaha Wasiirrada dalka Israa’iil, ayaa ansixiyey toddobaadkan qorshe lacagtiisu dhan tahay $46 milyan oo dollar, laguna dhiirigelinayo dadka Yuhuudda ah ee ka qaxaya dalalka Qaaradda Yurub, jecelna inay ku laabtaan gudaha Israa’iil, iyadoo dadka Yuhuudda ahna si gaar ah uga baxayaan dalalka Faransiiska, Belgium iyo Ukraine.
“Dadda Yuhuudda ah ee ku dhaqan dalalka Yurub iyo Yuhuudda ku barokacday dagaalkii koowaad ee adduunka, waxa aan idin leeyahay dalkiina Israa’iil ayaa si diiran idiin sugaya, waxaanan idinku soo dhawayn doonaa gacmo diiran,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, isagoo xusay in aanay Yuhuuddu ammaan iyo xasillooni ku heli doonin gudaha dalalka Yurub, loona baahan yahay inay si degdeg ah uga baxaan, uguna laabtaan dalkooda hooyo ee Israa’iil.
Hadalka ka soo baxay Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, ayaa ka dambeeyey markii dad Yuhuud ah ku dhinteen weeraro lagu qaaday gudaha dalalka Faransiiska iyo Denmark, isla markaana aad u xoogaysatay cunsuriyada Yuhuud-nacaybka ah ee ka jirta qaaradda Yurub, iyadoo sidoo kale nacaybkaasi sababay in la burburiyo ilaa 200 xabaalo Yuhuddu leeyihiin oo ku yaal gudaha dalka Faransiiska, falkaasoo muujiyey in ilaa qubuuraha Yuhuuddu leeyihiin aanay haysan ammaan.
Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska Mr. Manuel Valls iyo Ra’iisal-wasaaraha Denmark Helle Thorning-Schmidt, ayaa si xooggan u cambaareeyey dhawaaqa ka soo baxay dhigooda Israa’iil ee uu ku sheegay in dadka Yuhuudda ah ka qaxaan dalalka Yurub, kuwaasoo xusay in arrintaasi guul iyo dhiirigelin u tahay dadka muslimiinta xagjirka ah ee dagaalka kula jira dadka Yuhuudda ah iyo ilbaxnimadda reer Yurub.
“Qoomamo ayuu igu yahay hadalka ka soo baxay Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, waana wax laga xumaado in la yidhaah Yuhuuddu ha ka baxdo Yurub. Farriinta aan u hayo dadka Yuhuudda ah ee Faransiiska waxa ay tahay in aynu nahay bulsho isku mid ah, isku dal ah. Faransiisku waa dalkiina, mana doonayno in aan naga baxdaan.” Sidaa waxa yidhi Ra’iisal-wasaaraha Faransiiska.
Dhinaca kale, madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa isna sheegay shalay in dadka Yuhuudda ah lagu soo dhawaynayo gudaha dalalka Yurub iyo waddankiisa Faransiiska, lagana shaqayn doono sidii ay u heli lahaayeen ammaan buuxa.
Daraasado la sameeyey, ayaa lagu ogaaday in Yuhuudda ugu badan ku nool yihiin waddanka Maraykanka, kuwaasoo ah 80% ka noqonaya guud ahaan Yuhuudda joogta dalalka ka baxsan Israa’iil, iyadoo sidoo kale Yuhuud aad u badan ku nool yihiin dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka, Argantiin, Jarmalka iyo Australia.
Masuuliyiinta dalka Denmark, ayaa sheegay in Yuhuudda ku dhaqan dalkoodu si xor ah u jecelyihiin inay tagaan waddankooda Israa’iil, balse haddii ay cabsi darteed u qaxaan ay taasi noqonayso in loo hiiliyey kooxaha islaamiyiinta ah, lana doonayo in Yuhuuddu isku urursato jasiirad cid ah, lagana go’doomiyo caalamka oo dhan.
Yuhuud tiradoodu dhan tahay ilaa 7 kun oo qof, ayaa ka baxay gudaha dalka Faransiiska sannadkii 2014, taasoo labanlaab ka badan kuwii ka baxay sannadkii 2013, halka kumanaan kale oo Yuhuud ah doonayaan inay hadda ka qaxaan Faransiiska, kadib weerarkii lagu qaaday magaalada Paris bishii hore ee 2015.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com