Muhammadu BuhariAbuja(ANN)Madaxweynaha cusub ee Nigeria General Maxamadu Buqaari, ayaa qudbadii u horaysay ee uu jeediyo markii la gudoonsiiyay shahaadada ah inuu ku guulaystay doorashada Madaxweynaha ee dalka Nigeria, ku sheegay inuu wax ka qaban doono arrimaha amaanka ee dalka, gaar ahaan kooxda Boko Haram. Sidoo kale wuxuu sheegay in arrinta kasii xun ay tahay musuq-maasuqa oo sida uu carabka ku adkeeyay la degay dhaqaaalaha dalka Nigeria.
General Maxamadu Buqaari, wuxuu amaan usoo jeediyay guddida doorashooyinka oo uu sheegay in codkii shacbiga ay mariyeen halkii ay doonayeen, taas oo uu sheegay buggaagta taariikhdu xusi doonto, isagoo amaan gaar ah u jeediyay Madaxweynaha xilka haya Goodluck Jonathan, kaas suurta geliyay taariikh cusub oo aan looga baran hoggaamiyayaasha afrika. Kadib markii uu Telefoon u diray Muhammadu Buhari si uu u qirto in doorashada uu kaga guulaystay, wuxuuna ugu hambalyeey General Buhai guusha uu doorashada ka gaadhay. Kadib codad ka baddan 2milyan oo guushu ku raacday hoggaamiyaha cusub.
Madaxwaynaha cusub ee la doortay Muhammadu Buhari oo ah General Milateri oo ah qawmiyada Mulimka Nigeria, wuxuu kasoo jeedaa dhinaca gobolada Woqooyiga. General Buhari wuxuu dhashay 17 December 1942, waxayna dadiisu maray xiligan uu ku guulaystay doorashada 72 jir.
General Buhari, wuxuu muddo gaaban qabtay xukunka dalka sanadkii 1983 ilaa 27 August 1985, kadib markii uu inqilaab kula wareegay talada dalka, xiligaa oo ahayd ka hor intii aanay Nigeria qaadan nidaamka axsaabta iyo doorashooyinka xorta ah sagaashanaadkii, waxaana mudadaa lagu arkay Muhammadu Buhari inuu yahay nin neceb musuq-maasuqa oo jecel inuu qaato go’aamo adag.
Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama iyo madaxda kale ee dunida, ayaa ku hanbalyeeyay Dadka iyo dalka Nigeria doorashadaa oo ay ku tilamaameen mid taariikhi ah oo tusaale u ah madaxda Afrika ee xukunka jecel.
Madaxweynaha xilka ka degaya hadda Mudane Goodluck Jonathan, ayaa ku kasbaday natiijada doorashada sumcad weyn, isagoo noqday madaxweynihii u horeeyay ee Afrikaan ah oo isaga oo xilka haya laga guulaystay kadibna hanbalyeeyay ninkii ka guulaystay.

Goodluck Jonathan iyo Xisbigiisa talada haya ee PDP waxa uu dalka xukumayey tan 1999, markii uu dhaamaday xukunkii miletariga, waana markii u horaysay ee lagaga guulaystay doorashada, taas oo sabab looga dhigay musuq-maasuqa ku shubashada oo aan jirin, iyadoo dawladu awood u weyday inay maamusho komishanka iyo arrimaha dhaqaalaha dalka iyo dhinaca amaanka ee dagaalka Boko Haram oo guuldaro u horseeday Madaxweyne Goodluck Jonathan iyo Xisbigiisa talada hayay ee PDP oo limiyay siyaasiyiin muhiim ahaa oo qayb ka ahaa, kuwaas oo ka baxay xisbiga.
Arrimahaa ayaa fursad siiyay ilaa Afar xisbi oo Mucaardka ah, kuwaas oo ku midoobay xisbiga APC ee musharaxa General Buhari. Todobaadyadii ugu dambeeyey waxa muuqatay in xisbiga talada haya uu ku dhaqaaqay siyaasad uu doonayey in uu magaca iyo sumcada uga dilo isbahaysiga mucaaradka, balse mucaaradku, waxay muujiyeen kalsooni iyo in aanay dhabaha guusha ka leexin dacaayadaha xisbiga talada hayaa.
Goodluck Jonathan oo ah Madaxweynihii 7aad ee Nigeria, wuxuu xafiiska la wareegayaa 29 May 2015, waxaana la filayaa in dalka Nigeria oo ah wadanka shanaad ee wax soo saarka saliida ugu baddan, balse faqri iyo dhibaatooyin ay horseedeen musuq-maasuq ka dhigeen dal faqri ah uu wax baddab ka qabto sida uu balanqaaday qudbadii u horaysay ee uu jeediyay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews