Yaman1Warbixin wararkii U Danbeeyay ee Xaalada Dalka Yemen: Carraale M. Jama

Sanca(ANN)Wakiilo ka socda ilaa todoba kooxood oo ah hoggaamiyayaasha siyaasada dalka Yemen, ayaa kusii jeeda magaalada Cadan ee Koonfurta Dalka Yemen oo uu ku suganyahay Madaxweynihii xukunka laga tuuray Cabdiraboo Mansoor Haadi. Kadib markii uu Sabtidii todobaadkan gaadhay halkaa, isagoo muddo ka baddan Lix todobaad xabsi guri ku jiray magaalada sanca ee ay qabsadeen malayshiyada Xuutiyiintu.
Ahmed Lakaz oo u hadlay Xisbiga midawga iyo Midnimada, ayaa sheegay in wakiilada ka socda kooxaha siyaasada ee usii jeeda magaalada Cadan ujeedadoodu tahay sidii xal looga gaadhi lahaa mushkilada dalka Yemen, iyagoo la kulmaya Madaxweyne Cabdiraboo Maansoor Hadi oo ku sugan magaalada Cadan.
Qoeshan ayaa ka danbeeyay kadib markii ay waxba ka socon waayeen qorshayaashii Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Yemen, kaas oo kulamo uu la yeeshay dhinacyada siyaasadu guuldaraysteen inay wax natiijo ah yeeshaan.
Dhinaca kale Malayshiyada Huutiyiinta, ayaa todobaadkan amar ku bixiyay in Raysal Wasaarihii hore ee xukuumadda la inqilaabay iyo 13 ka mid ah golihii wasiiradu shaqooyinka kusoo laabtaan maalinta Axada ee shalay, balse Raysal Wasaaraha iyo xubno ka mid ah golihiisii wasiirada oo weli ku xidhan guryohooda tan iyo markii bishii Janaury 2015, uu is casilay Raysal wasaare Khalid Bahaah, ayaa dhegaha ka furaystay qorshaha Malayshiyada Xuutiyiinta, waxayna taasi sababtay inay isuku dayaan in xabsiga la dhigo maanta oo Isniin ah markii uu Mr. Khalid Bahaah fulin waayay awaamiirta xuutiyiinta. Sida lagu baahiyay Al-masirah Tv.
Amarka Malayshiyada Xuutiyiinta ee ah inay Raysal wasaarihii laga tuuray xukunka iyo xubnaha golihiisa wasiiradu kusoo laabtaan shaqooyinkooda, ayaa loo malaynayaa inuu yahay mid ka dhashay markii Madaxweyne Cabdiraboo Sabtidii gaadhay Cadan, isagoo sheegay inuu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah, isla markaana ugu baaqay Xuutiyiinta inay iskaga baxaan magaalada Sanca, taas gobolo baddan oo dalka ah laga taageeray.
Sidoo kale qorshaha siyaasiyiinta waqtigan u jihaystay dhinaca Koonfurta ee magaalada Cadan oo doonaya in wadahadalo la xidhiidha mushkilada dalka iyo xal looga gaadhi lahaa inqilaabka xuutiyiinta, ayaa laga yaabaa inay wax ka beddesho qorshihii hore ee Malayshiyada Xuutiyiinta oo kala diray todobaadyadii lasoo dhaafay Baaralamaankii dalka, isla markaana sameeyay gole ay iyagu maamulaan, taas oo ay siyaasiyiinta axsaabta dalka iyo Hoggaamiyayaasha kale ee deegaamada dalka oo u baddan Suniyiintu ganafka ku dhifteen.
Xaalada, ayaa u muuqata mid dalka Yemen usii wadda dhinaca fowdada iyo colaadaha, waxaana laga cabsi qabaa inay marto wadadii Somalia, balse weli waxa socda dedaalo aan rajadoodu sidaa u buurnayn oo la doonayo in xaalada lagu dejiyo, isla markaana meel dhexe laysugu yimaado si loo badbaadiyo qaranimada Yemen ee ay Malayshiyada Shiicadu sababeen inay dhulka ku dhacdo, kuwaas oo la filayo inay dhinaca magaalada Cadan usoo wareegaan wadahadaladii dhinacyadu, balse malayshiyada Xuutiyiinta ee la wareegay Magaalada caasimada Sanca, ayaan laga raja qabin inay ka qaybqalaan haddii wadahadalada loo bedelo dhinaca Cadan ee uu waqtigan ku sugan yahay Madaxweynihii la inqilaabay oo sheegay inuu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dalka Yemen.
Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews