Policemen secure the area around a buildopenhagen(ANN)Kulan Xafladeed ka socday Xarunta Dhaqanka ee Copenhagen, ayaa lagu kala yaacay. Kadib markii dablay Hubaysan weerar tacshiirado ah ku cashiriyeen, halkaas oo ay ka socotay dood lagu macneeyay (Freedom of Speech) xoriyada hadalka.
Kulankaa oo uu soo qaban qaabiyay Ninka Artist ah ee u dhashay dalka Swedish ee lagu magcaabo Lars Vilks, kaas oo sanadkii 2007, sameeyay sawir gamceed uu ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed CSW oo Islaamku ka cadhoodeen, isla markaana tan iyo waqtigaa ku jiray dhuumaalaysi. Kadib markii uu ka badbaaday weeraro la doonayay in lagu khaarajiyo.
Kulnakaa oo ay ka qaybgaleen Safiirka Faransiiska ee Denmark ambassador Francois Zimeray, dublamaasiyiin iyo dad kale oo caan ah, waxa soo weeraray dhawr nin oo hubaysan, kuwaas oo tacshiirado rasaas ah huwiyay goobtaa, kadib ka baxsaday goobta.

Ugu yaraan hal qof, ayaa ku geeriyooday goobta, waxaana dhaawacyo kala duwan soo gaadheen Afar ka mid ah Booliska Danishka, waxaana lagu kala yaacay goobta, iyadoo xafladii sidaa ku baaqatay.
Femeninna inna Shevchenko, waxay sheegtay in markii ay u baxday hadalka ay maqashay dhawaaqa rasaasta, sidaana lagu kala yaacay.
Haweenayda magaceeda ku sheegtay Femeninna, waxay ka mid ahayd dadkii ka qaybgalay Kulankaa, waxayna tidhi, “Waxanu galay Qol aniga iyo dad baddan oo ay ku jiraan Safiirka Faransiiska ambassador Francois Zimeray, Lars Vilks, waqtigana waxaan ku jiraa Saldhig Booliis ayay tidhi” haweenaydaa oo boggeeda Twiterka ku baahisay sidaa.
Safiirka Faransiiska ambassador Francois Zimeray, ayaa goor danbe ku qoray boggiisa Twiter-ka inuu ka badbaaday rasaasta oo aanay wax dhaawac ah soo gaadhin. Booliska Copenhagen, ayaa sheegay inay baadhitaan ku jiraan, balse waxay xuseen in raggii weerarka fuliyay qaarkood baxsadeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com