X

Somalia: Ras’iisal Wasaare Ku Xigeenka Oo La Hadlay Guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bilawday tabbabaro guddida doorashooyinka loogu diyaarinayo sidii ay u maamuli lahaayeen doorashooyinka la doonayo in laga qabto Soomaaliya.

 

Ra’iisall Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay furitaanka kulanka tabbabarka xubnahaa oo maanta ka furmay  magaalada Muqdisho kaga hadlay ahmiyada uu leeyahay tabbabarku iyo waajibka saaran Guddiyada Doorashooyinka ee laga doonayo inay si daacad ah u gutaan.

Ra’iisall Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),Image 22 November 2020.

Waxa uu sheegay in sababta bulshada qaybaheeda kala duwan looga soo xushay xubnahan ay tahay aqoon iyo waayo aragnimo lagu tuhmayo, isla markaana ay si daah furan uga shaqeeyaan in doorashooyinku ku dhacaan si caddaalad ah.

Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka ayaa tilmaamay in guddiyadan ay ku yimaadeen heshiis ay gaadheen Maamullada iyo Dowladda dhexe, isla markaana labada gole ansixiyeen, markaa kaddibna  Madaxwaynahu kusoo saaray faafinta rasmiga ah, sidaa awgeed ay yihiin sharci, isagoo ra’iisal wasaare ku xigeenka dawladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.

Tabbabarkan loo qabtay xubnaha guddiyada doorashooyinka Soomaaliya, ayaa soconaya muddo Afar maalmood ah, waxaana lagu baranayaa nidaamka maamulka doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, iyadoo ay casharo ka bixinayaan khubaro aqoon u leh arrimaha doorashooyinka.

 

 

 

 

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post