X

Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Wareegii Labaad Ee Ciyaaraha Koobka Gobolada Dalka

Araweelo News Netowrk

Madaxweynaha oo furaya tartanka


Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayso Marwada koowaad ee qaranka Somaliland, Marwo Aamin-weris Sheekh Maxamed Jirde, iyo xubno ka mida golaha wasiirada, gudoomiyaha gobolka maroodijeex, maayarka caasimada, salaadiin, xildhibaano, iyo bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa Madaxweynughu waxa uu si rasmi ah u furay wareega labaad ee tartanka gobolada dalka Somaliland.

Muuqaalkatarbuunka


Waxaana galabta lagu furay labada gobol ee Saaxil iyo Xaysimo oo soo bandhigay ciyaar ciyaar dhaaftay oo aad u heersaraysa kana muuqatay waayo aragnimo iyo degenaan ay muujiyeen ciyaar yahanadii ku sugnaa garoonku, waxaana ciyaarta qaybtii hore lagu kala nastay 3:0 ay ku hoggaaminaysay saaxil halka xaysimona aanay waxba keensan, waxa iyana xusid mudan in ciyaar yahanka numberka shanaad ama daafaca uga ciyaara gobolka saaxil uu qaatay kaadhka cas dibedana looga saaray ciyaarta, balse aanay u dhitin xulka gobolkiisa saaxil ciyaarta oo 1:0 ahna ay ka dhigeen 3:0, markii lagu soo noqday qaybtii labaadna waxa ciyaarta halkeeda ka sii watay gobolka saaxil oo gool afraadna u raaciyey ciyaar yahanadii ku ciyaarayey magaca gobolka xaysimo sidaasina wax ku soo dhamaatay guud ahaan ciyaartii lagu furay wareega labaad ee ciyaaraha gobolada Dalka Somaliland.

Marwada Koowaad Aamina Weris iyo Wasiirka Maaliyada marwo Zamsam


ciyaartoyda


Xulalka Gobolada ku tartami doona wareegan labaad ayaa kala ah sidan:

1. Gobolka Sool

2. Gobolka Saaxil

3. Gobolka Xaysimo

4. Gobolka Sanaag

5. Gobolka Awdal

6. Gobolka Hawd

7. Gobolka Daadmadheedh

8. Gobolka Gabiley

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post