X

Orodyahanka Adduunka ugu Dheereeya oo $20 Milyan Doollar ugu Deeqay Dugsi uu Yaraantiisii Dhigan Jiray

Araweelo News Network

Orodyahanka ugu dheereeya adduunka ee magaciisu yahay Usain Bolt, ayaa markii uu ka soo laabtay ciyaarihii Olambikada ee lagu qabtay dalka Brazil oo uu billado dahab ah kaga guulaysay, waxa uu lacag dhan $20 milyan oo doollar ku caawiyey dugsi sare oo ku yaal waddankiis Jamayka (Jamaica), kaasoo uu waxbarashadiisa ku qaatay waqtigii uu yaraa.
Sida lagu faafiyey warbaahinta Jamayka, dhaqaale la’aan ka jirta dalkiisa, ayaa sababtay in ciyaartoygani qaato go’aan ah inuu taageero maaliyadeed u fidiyo dugsiga sare, taasoo lagu kobcin doono barnaamijyo khuseeya dhinaca ciyaaraha iyo horumarinta dhallinyarada.
Waxa kaloo Bolt sheegay inuu bishiiba hal mar booqan doono dugsigiisa sannadka soo socda si uu ardayda uga caawiyo dhinaca tababarka, gaar ahaan inta doonaysa in ay ka mid noqoto dadka hoggaanka u haya ciyaaraha oradada.
“Willilam Knibb ciyaaryahannadiisu waxay door muhiim ah u yihiin ciyaaraha sida aan aniguba maanta ahay, waanan samaynaya wax kasta oon ku celin karo, aad baan u farax sanahay,” ayuu Bolt u shegay warbaahinta dalkiisa.
Oradyahanka Usain Bolt waxa ciyaaryahankii ugu horreeyey (athlete) ee lacagta intan leeg deeq ahaan u bixiya. “Waxa uu galay rikoodh laba ah oo mid oradka yahay, midna shaqo bina’aadamino ah,” ayuu yidhi Maamula dugsigaas oo farriin mahadnaq ah saxaafadda u mariyey orodyahankan dugsiga uu ka baxay lacagta badan ku soo xusay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post