X

Joojinta Bacaha Waxa Ka Muhiimsan In Dalka Laga Joojiyo Qaadka Iyo Sigaarka: By. Cabdiraxmaan Aadan Maxmauud

Waxaa aynu wadda ognahay in dalka laga isticmaalo mukhaadaraad fara baddan oo uu ka mid yahay qaadka sigaarka iyo IMW, kuwaasoo aanay wax ka qaban dowladihii dalka soomaray ilaa dowladii siyaad bare kadib.

Waxaynu ognahay dhiaatada uu qaadku ku hayo bulshadeena iyo sigaarkuba. Haday tahay mid dhaqaale, iyo mid caafimaad iyo mid qoysba, sidaa darteed waxa kamuhiimsan joojinta bada inlajoojiyo jaadka iyo sigaar oo aynu ognahay khatarta uubulshadeena kuhayo Kuwaas oo dhamaantood ay dowladu ay cashuurkaqaadato sida aynu ognahayna ay raali ka tahay.
Taa macnaheedu waxa weeyi inay dowladu iska indho tirayso dhibaatada uu bulshada ku hayo mukhaadaraadka ku habsatay bushadeena ee halista ah . Waxa aanu ka hadlaynaa maaha inaanu kasoohorjeedno joojints bacda laakiin waxa haboon in lakeeno badalkii bacda.
Sababtoo ah bulshdeenu waxay u badantahay danyar. Sidaynu ognahayna waxay ku adeegtaan bacda oo ay waxa ku shubtaan ama ay waxa ku qaataan. Hadaba waxaanu usoojeedinaynaa dowlada inbacaha lagajoojiyo dekeda. badalkeediina ay dowladu keento ama ganacsatada ay usoo bandhigto wixii ku haboon ee aan deegaakeena waxaba yeelayn. Waxa wadanka ka jira sidaan ognahay duruufo dhaale xumo oo aanay dadku awoodi Karin inay iskabixiyaan ganaax. Waxaanu usoojeedinaynaa dowlada gaar ahaan wasaarada deegaanka inay bulshdeeda hoos u eegto.
By Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post