X

Sahra-yartii Miyiga : Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Gaaruf oo ahaa ninkii ugu reer magaalsanaa deegaan Miyi ah oo aan yaraantaydii ku barbaaray, waxa uu ahaa Kaari Baabuurta Hargeysa iyo deegaanka u kala raaca.
maqribkii markaan xoolaha soo xarayno aniga iyo dhallinyaro wiilal gabdho iskugu jira waxaanu iskugu iman jirnay goob Ardaa ah ‘ halkaasi oo saacado badan oo habeenkii ah aanu ku balweyn jirnay heeso sideed ah oo ku duubnaa laba canjaladood oo aanu ka shidan jirnay Raadyaw guriga Gaaruf yaallay oo noociisu ahaa ( National )midabkiisu casaan yahay, wuxuu ahaa mid bir yar xaga sare ka taagantahay(eiryal) ama ataano. 
markasta labada canjaladood midbaa midabkeedu caddaan ahaaa, taasoo markaanu raadyawga gelino ee aanu shidno waxay ku bilaabmi jirtay Hees ay wada qaadi jireen Sahra Axmed Maxamuud oo loo yaqaanay Sahra-yar iyo Axmed Gacayte Yuusuf heestaas oo lagu magacaabo 
(gocomada ha ii jarin )
Sahra yar sannado ka dib magaceedii waxa loo bedelay Sahra Halgan, waxaana taas sabab u ahayd, iyadoo marka hore ee loo bixiyey Sahra-yar looga jeeday si aan loogu qaldin Sahra Axmed oo ay labada magac ee hore wadaagaan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post