X

Siyaasiga Iyo Suldaanka Cir-Caddaaga Noqday Waa In Sumad Loo Yeela: By. Prof. Mohamed A. Farah (Jaafaa)

Waxaan aaminsanahay in Siyaasiga maanta jooga aanu u muuqan diyaar u ahayn inuu dhibka ka saaro shacabkiisa, isla markaana aanu lahayn aragti qaranimo umadeed iyo hogaamin dal, haduuba nool yahayna xadhigeeda ma hayo, waxase taa bedelkeeda hamigoodu yahay dan shakhsiyadeed iyo mid deegaan gaar ah. Suldaaanka iyo madax dhaqameedka maanta joogaana wuxuu noqday mid hoos fadhiya una adeega Siyaasiga.
Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta maanta jooga waxan u sheegayaa micnaha qabiil aanu ahayn sida ay u fasirteen, qabiilku wuxuu qabiil yahay marka uu yahay kii Allaah noo sheegay oo aan cid lagu dulmayn.. Qabiilku wuxuu qabiil yahay markuu xaqiisa rabo xaqaagana ogol yahay. Qabiilku wuxuu qabiil yahay markuu nabadaada, midnimadaada, dawladnimadaada, qaranimadaada, sharafka iyo diintaada saldhig u yahay. Qabiilku wuxuu qabiil yahay marka uu leeyahay xeer iyo xuduud. Qabiilku wuxuu qabiil yahay marka uu yahay mid baahidaada daboolaya iyo aayahaaga. Hadduu intaa cadow ku yahay, waa cudur ee qabiil ma aha, waana masiibo qaran.
Waxaan in baddan aaminsanahay in qaladka ugu weyn ee shacabka Somaliland haysta uu yahay in ay cadeyn waayeen si Dimuqraadiyadi ugu sheegi waayaan codkooda baahida iyo cida masuul ka ah, masiibada hadba dhacda ee uu Siyaasigu horseedka ka yahay. Waxaana xaqiiqa ah in markaa Siyaasigii helay sax iyo khaladba dantii uu lahaa inuu fushado.
Waxaa maskaxdii umadda kala wareegay waxaan la aqoon iyo wax aan wax aqoon. Aqoontu waxay u bahan tahay maskax qaadi karta, hagi karta ee maahan wax baan akhrin karaa qori karaa, masuuliyaduna waa lamid waxay u baahan tahay shakhsi leh maskax iyo aragti hogaamin karta, leh shuruudihii hogaamiye umadeed ee maaha waa Somalilander ayuu yahay ama aan ahay.
Waa in waxaan Cir Cadaaga noqday Sumad loo kala yeelaa.
Prof. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa)
London.
jaafaa66@yahoo.no

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post