X
    Categories: Qubanaha

10 Jir Cagaagnaan ku Dul Lugayn Kara Quraarado Jajaban iyo Dhimbiillo Dab ah

Araweelo News Network


Wiil 10 jir ah oo u dhashay dalka Sucuudiga, ayaa la yimmi arrin ka yaabisay daawadayaashii qiimaynayey, kadib markii uu cagaagnaan ku dul socday quraarado iyo dhambiilo dab ah.
Wiilkan yar oo doonaya inuu ka mid noqdo tartamayaasha barnaamij mawhibooyinka lagu soo bandhigo ee la yidhaa “Arab Got Talent” oo inuu qabsoomo la rajaynaayo 27 bishan lagu jiro ee November 2016, waxa uu soo jiitay indhaha warbaahinta iyo dadka qiimeeya arrimaha mawhibooyinka dunida ku cusub.
Inanka yar oo la yidhaah Khaled al-Luqman, waxa arrimahan cajiibka ah u tababaray aabbihii, kaasoo sidoo kale awoodda inuu calooshiisa u dhigo mindiyo afweyn, kuwaasoo aan waxba yeelayn.
“Wiilkaygu waxa uu doonayaa oo uu ku qanacsan yahay inuu ka qaybgalo barnaamijka mawhibooyinka Carabta (Arab Got Talent), meel kalena ugamay iman hibbadiisu ee waxa ay ahayd tobabar iyo shaqo adag oo uu soo maray.” Sidaa waxa yidhi wiilkan yar aabbihii oo la hadlay wargeyska Al-Hayat oo Jamhuuriya soo xigtay.
Xarunta Daryeelka Caafimaakda Sucuudiga (Saudi’s National Medical Care) ayaa bixisay kharaska ku baxaya Luqmaan ee uu kaga qaybqaadanayo barnaamijkan. Wiilkan yar waxa la mariyey tijaabooyin iyo baadhitaanno caafimaad si loo eego inuu awooddo ka qaybgalka barnaamijka oo ka dhacaya magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan sannadkan 2016.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post