X
    Categories: Qubanaha

Booliska Argentina Oo Hawada Ku Toogtay Shimbir Daroogo U Sidday Xabsi

Araweelo News Network

 

Santa Rosa – Argentina (ANN)- Ciidanka booliska waddanka Argentina ee qaaradda Laatiin Ameerika, ayaa toogtay shimbir la sheegay inay daroogo u wadday xabsi ku yaal magaalada Santa Rosa oo ku taal badhtamaha dalkaas maalintii Sabtida.

Masuuliyiinta xabsiyada ee dalka Argentina ayaa sheegay inay arkeen shimbirta oo dul duulaysa jeelka weyn ee magaalada Santa Rosa.

Wararku waxa uu intaa ku daray in saraakiisha xabsigaasi ogaadeen in shimbirta hawada lagu toogtay ay dhabarka ku sidday boorso yar oo ay ku jiraan dawooyinka la isku dejiyo, xashiishad iyo cajalad kumbuyuutar sida la sheegay la doonayey in qarsoodi lagu geeyo jeelka.

Qaabkan tahriibinta ayaa hore looga hortegay waxaana ku socday baadhitaan, sida lagu daabay wargeyska Clarín oo dalkaasi ka soo baxa.

Booliska Argentina ayaa baahiyey sawirka shimbir dhimatay oo ay dhabarka kaga xidhan tahay boorso yar oo ay ku jiraan 44 xabbo oo ah kaniinka la isku dajiyo ee Rivotril, xashiishad miisaankeedu dhan yahay 7.5g iyo cajalad kumbuyuutar aan weli la shaacin xogta ku duuban.

Masuuliyiinta Adeegga Jeelasha Argentina, ayaa ka digay 2013-kii in dadka ka shaqeysta maandooriyaha ay maalintii 10 ilaa 15 jeer daroogo ku qaadaan shimbiraha.

Saddex qof ayaa la xidhay, halka 15 qoolley la qabtay kaddib baadhitaan la sameeyey 2013, sida uu sheegay wargeyska Clarín.

Sidoo kale, bilowgii sannadkan shimbir dhabark ku sidday 178 xabbo oo kiniin daroogo ah, ayaa lagu qabtay meel u dhow xuduudda dalka Kuwayt la wadaago waddanka Ciraaq.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post