X
    Categories: Qubanaha

Cilmi-baadhis: 10-ka Dal ee Dadkoodu ugu Qalbiga Furan Yihiin Adduunka

Araweelo News Network

Cilmi-baadhis xog-ururin ah oo ay sameeyeen afar jaamacadood oo ku yaal dalka Maraykanka, ayaa soo bandhigtay in waddamada aan dadkoodu xogta u gaarka ah iyo ta dadka kale qarin karin (Empathetic) ay kaalmaha u horreeya kaga jiraan Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Kuwayd iyo Ekuwador (Ecuador).
Jaamacadaha Michigan State University, The University of Chicago iyo Indiana University, ayaa xog-ururin ka qaaday dad tiradoodu dhan tahay 104,000 (104 kun) oo qof, kana soo kala jeeda 63 dal oo adduunka ah, iyagoo cabbiray heerka dareenkooda xog-wadaagiseed gaadhsiisan yahay amma sida ay dadka kale ugu sheekeeyaan, waxana soo baxday in dalka Ekawador kaalinta koowaad ku jiro dalka dadkiisu ugu qalbiga furan yihiin caalamka, halka Sucuudiguna kaalinta labaad galay.
Xogtan oo lagu qaaday internetka (Online) waxa lagu eegayey sida dadka 63 dal ku nool ay waxyaabaha noloshooda ku saabsan ula wadagaan dadka kale, taasoo macnaheedu tahay qalbi furnaantooda in la eegayey.
Haddaba, tobanka dal ee ay dadkoodu ugu horreeyaan xaga qalbi-furnaan waxa ay kala yihiin sidan;
1.) Ekuwadoor (Ecuador)
2.) Sucuudiga
3.) Beru (Peru)
4.) Denmark
5.) Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE)
6.) Kuuriyada Koonfureed (South Korea)
7.) Maraykanka (USA)
8.) Taywan (Taiwan)
9.) Koosta Riika (Costa Rica)
10.) Kuwayt (Kuwait).

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post