X
    Categories: Qubanaha

Madaxweyne Markii uu Xilka ka Degay Saxaafadda ku Biiray

Araweelo News Network

Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan Mr. Prevez Musharraf, ayaa mihnadda siyaasadda ka wareegay, una wareegay dhinaca warbaahinta, waxaannu ka soo muuqday barnaamij laga sii daayey telefishanka Bol Tv, gaar ahaan waxa uu daadihinayey barnaamij telefishankaasi baahiyo toddobaadkiiba hal mar.
Sida uu faafiyey wargeyska Dawn News oo Jamhuuriya soo xigtay, muuqaalkii ugu horreeyey oo Axaddii toddobaadkan la baahiyey waxa ka soo muuqday Musharraf oo ka jawaabaya su’aalo uu waydiinayey suxufi daadihiya barnaamijka ka baxa telefishanka Bol TV.
73 jirkan oo hore xukun millateri ugu haystay Pakistan waxa uu muddo ku noolaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii maxkamadda ku taal dalkiisu u oggolaatay inuu dibadaha u dhoofi karo bishii March ee sannadkii 2016.
Xaggaagii sannadkii hore ayaa Musharraf maxkamad lagu soo taagay eedayn ah inuu khiyaamo qaran ku kacay, gaar ahaan xukunka millateri ee uu ku qabsaday dalkiisa sannadkii 1999kii, dilkii Ra’iisal-wasaarihii hore ee Pakistan, Banazir Bhuto ee 2007 iyo waliba dilka hawlgalo ciidan oo lagu dilay waddaado caan ka ahaa magaalada Islamabad ee waddankaas

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post