X
    Categories: Qubanaha

Madaxweyne Obama oo Milxiis u Noqday Mid ka Mid ah Shaqaalahiisa oo Aroostay

Araweelo News Network


Madaxweynaha Maraykanka ee xilka ka sii degaya Mr. Barack Obama, ayaa maalmihii ugu dambeeyey ee hoggaanka dalka uu ka degayo ku kacay falal aad u soo jiitay dadweynaha Maraykanka.
Falalkan oo ay ka mid yihiin inuu ka mid noqday milxiis (caawiyayaasha) nin ka mid ah shaqaalahiisa oo aroostay.
Agaasimaha Safaradda ee Aqalka Cad iyo Caawiyaha Gaarka ah ee Madaxtooyada Mr. Marvin Nicholson, ayaa guursaday gabadh uu aad u jeclaa Sabtidii toddobaadkan, waxana sawirrada iyo muuqaallada laga qaaday muujiyeen Madaxweyne Obama oo ka mid ah milxiisiinta caawiyaha u ahaa ninkan.
Madaxweyne Obama ayaa soo gaadhay madaarka Jacksonville markii xafladdu bilaabantay, kadib markii uu soo dhammaystay casuumad uu lahaa.
Waxa muuqaallada iyo sawirradu sidoo kale muujiyeen Madaxweynaha oo dhegta wax ugu sheegaaya, isla markaana aad ugu dhaw ninka arooska ah. Waxa kale oo uu galay safka loogu talogalay milxiisiinta arooska.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mr. John Kerry, ayaa baahiyey xafladdan, isagoo sheegay in adduunku u xiisi doono Obama, maadaama uu ahaa nin aan isla weynayn oo dadka u dhibirsan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post