X
    Categories: Qubanaha

Nin 13 Sanno u Mashquulsanaa Badbaadinta Dadka Qorsheeya inay Is-dilaan

Araweelo News Network


Toddobaad kasta dhammaadkiisa 13kii sannadood ee u dambeeyey, waxa uu Chensi Si ku mashquulsanaa inuu ag istaago buundo dheer oo 20km (12.4 mayl) dhulka u jirta oo ku taal dalka Shiinaha, kaasoo badanaa ay iska tuuraan dadka damacsan inay qudha iska jaraan.
Sababta keentay inuu taawarkan ku mashquulo ayaa ah inuu badbaadiyo qof kasta oo uu u arko inuu is-dilayo.
Ninkan 48 jirka ah oo shaqo kale haysta, waxa uu maalin ka mid ah toddobaadkiisa ku lumiyaa badbaadinta dadka isku tuuraya webiga Yangtze River biriish ku dul yaal oo ah webiga ugu dheer ee dhexmara dalka Shiinaha.
“Inaan badbaadiyo dadka niyad-jabsan ee is-dilaya waxay ila tahay in aan badbaadiyo noloshaydii hore,” ayuu yidhi Mr. Chen oo hore u ahaa shaqaalaha laanta socdaalka magaalada Nanjing, iskuna dayey inuu is-dilo mar shaqadu ku xumaatay.
Laga soo bilaabo sannadkii 2003, waxa Mr. Chen oo asal ahaan ka soo jeeda tuulada Suqian ee Shiinaha uu badbaadiyey 321 qof oo damacsanaa in ay biriishkaas iska tuuraan, kuwaasoo badankoodu ahaa ajenebi amma ku cusbaa dalkaas, kadib markii ay adkaatay nolosha iyo inay guryahooda ku noqdaan.
“Waxa jirtay mar aan sidan oo kale isku dayey. Waxa i caawiyey nin qalbi wanaagsan oo khudaar ku dhex iibinaayey magaalada Nanjing,” ayuu yidhi Chen.
Buundada webiga Nanjing Yangtze waxa ay waligeed caan ka ahayd waddanka Shiinaha, waxana dhismaheda la dhammaystiray 1968kii, taasoo waqti calaamad u ahayd Shuuciyaddii dalkaas ka hano qaaday (Communist China’s Industrial Power). Sidoo kale, goobtani waa meesha dadku isku dilaan ee ay iska tuuraan, waxaanay xogta laga hayaa sheegtay in 2,000 qof isku dileen intii u dhexaysay sannadihii 1968kii ilaa 2006, sida uu daabacay mareegta People’s Daily online.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post