X
    Categories: Qubanaha

Nin ka Mid ah Qoyska Boqortooyada Sucuudiga oo Shimbiro uu Leeyahay u Kireeyey Qaybta Qaaliga ah ee Diyaaradda

Araweelo News Network

Waxa warbaahinta lagu baahiyey sawir muujinayey Amiir ka soo jeeda qoyska boqortooyada Sucuudiga oo 80 shimbirood oo nooca baaska loo yaqaan ah oo uu leeyahay u iibinaya tigidho diyaaradeed, gaar ahaan qaybta dadka dabaqada sare ah fadhiistaan (First Class tickets).
Shimbirahan ayaa boqorradu inta badan u adeegsadaan in ay kaga ugaadhsadaan Jasiirada Carabta, gaar ahaan shimbiraha iyo xayawaanka kale, waxaana dadka aad uga yaabiyey lacagta uu ka bixiyey in shimbirahan diyaaradda ay ku dawaafaan.
Shirkadda Falcon oo ah shirkad Imaaraadka Carabta laga leeyahay oo fiisayaasha iyo baasaboorada soo saarta waxa kale oo ay ka shaqaysaa in ay ka hortagto in xayawaanka laga ganacsado.
Baasaboorada Falcon (Falcon Passport) waxa soo saara Wasaaradda Degaanka iyo biyaha, waxaanay inta badan shaqeeyaan saddex sanno, qiimaha lagula soo baxaana waa $130, inta badana dadka ganacsatada ah ee xayawaannada noocan ah adeegsada ayaa la soo baxa.
Saraakiisha xuduudaha ayaa inta badan u baahda ansaxnimada baasabooradan caalamiga ah sida ay u eegaan basaboorada kale ee dadka safarka ah wataan, kadibna waxa ay ku dhuftaan shaambada saxnimada ah qofka sitana lalama hadlo. Waxaana ka mid ah dadka sita amiirkan oo aan magaciisa la shaacin, balse sawirkiisa la baahiyey.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post