X
    Categories: Qubanaha

Qudhaanjada oo la Sheegay in ay Tahay Noolihii ugu Horreeyey ee Beer-falashada Laga Bartay

Araweelo News Network

Bani’aadamku waxa ay beero falashada bilaabeen 12,000 sannadood ka hor sida saynisyahannadu ku doodeen, iyadoo 50kii sanno ee u dambeeyey baadhitaanno iyo cilmi-baadhis la waday ifiyeen in dadku aanay ahayn noolaha kaliya ee beeraha bilaabay.
Cilmi-baadhis cusub ayaa shaaca ka qaadday in nooc ka mid ah cayayaanka qudhaanjada (Fijian ant) ay ahayd noolihii ugu horreeyey beer qota ku dhawaad saddex milyan oo sanno ka hor.
Baadhitaanku waxa uu sheegay in qudhaanjadu si taxadir leh u abqaashay siidh, uguna riday carro uu ka soo bixi karo, muddana sugaysay ilaa intii geedku baxayey, kaasoo aakhirkii dhalay midho.
Ilaa hadda saynisyahannadu ma yaqanaan sababta keentay in qudhaanjada geedka beerto, balse waxay arrintan qudhaanjadaas ka dhigaysaa in ay tahay noolihii ugu horreeyey ee malaayiin sanno ka hor beer fala, bana’aadamkuna ka bartay xirfaddaas keentay in ay ku noolaadaan.
Daraasaddan oo ay soo sareen khubaro ka tirsan Jaamacadda University of Munich ee dalka Jarmalka, waxa ay dibadda u soo saartay wax cajiib ah oo aan xayawaanka laga filayn.
“Dhacdan waa mid cajiib ah,” ayuu yidhi Dr. Brian Fisher oo ah khabiir cilmiga barashada cayayaanka ku takhasusay (entomologist), waxna ka dhiga Jaamacadda the California Academy of Sciences.
“Waxa aan hore u ogayn in qudhaanjadu siidhka ku filqiso dhulka, kadibna ay geedka quudato, balse ma aannu hayn kiiska ah in ay beertaan wax oo aanay la’aantood noolaan karin,” ayuu yidhi Dr. Brain oo la hadlay warbaahinta NPR.
Inta badan waxa caado u ah qudhaanjada in ay dhirta ka dhigato hoy iyo cuntaba, halka dhirtuna u baahan yahay qudhaanjada si ay siidhkiisa dhulka ugu daadiso, una tarmo.
Beeralayda qaar ayaa kaneecada u isticmaala inay siidhka u filqiyaan si ay ugu tarmaan oo degdeg ugu soo baxaan, taasna waxay sheegeen in ay caddayn u tahay in qudhaanjada qaar laga bartay beero falashada.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post