X
    Categories: Qubanaha

Sucuudiga: Masuuliyiin Dalbaday in la Sameeyo Mudaharaad Lagaga soo Horjeedo Dadka ka Ganacsada Hilibka Xoolaha

Araweelo News Network

Masuuliyiinta qaar ka mid ah gobollada dalka Sucuudiga, ayaa ugu baaqay dadweynaha inay sameeyaan mudaharaad lagaga soo horjeedo meheradaha lagu iibiyo hilibka xoolaha oo aan iibkooda ku salayn hoos u dhac 40% oo ku yimmi qiimaha la siiyo xoolaha la qalo amma la gawraco.
Mudaharaadkan ayaa muwaadiniinta Sucuudigu u dhigeen si ay ugu qasbaan hudheellada iyo hiliblayaasha in ay hoos u dhigaan qiimaha hilibka, halka sidoo kale dadka ku xidhan baraha bulshada ee facebook iyo twitter, ay baahiyeen erayo ay ku muujinayaan siday uga xun yihiin hilibka ku qaaliyoobay (#boycott_Mandi_restaurants) si loo jebiyo qiimaha hilibka.
Qiimaha xoolaha nool, gaar ahaan idaha ayaa hoos u dhacay, tusaale ahaan dalka Sucuudiga neefka da’diisu tahay saddex bilood hilibkiisa dhan waxa la siiyaa inta u dhaxaysa $213.174 (800 Sucuudi Riyaal ah) ilaa $120 (450 Sucuudi Riyaal), halka neefka lixda bilood jiraa uu noqday $319.76 (1,200 Sucuudi Riyal) ilaa $160 (600 Sucuudi Riyal.
Hudheellada iyo meelaha hilibka lagu iibiyo ayaa iyagu kor ugu dallacay, iyadoo qiimaha xoolaha nool la siisto aad u jabay, iyadoo ay ku doodeen hiliblayaasha iyo hudheelladu in dadkii hilibka cuni jiray ay yaraadeen, hilib aad u yarna laga iibsado, taasina ay keentay in ay is bixin waydo ganacsigoodu, kadibna qiimo sare ku iibiyaan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post