X
    Categories: Qubanaha

Toddoba Astaamood oo Hoggaamiye Kastaa u Baahan Yahay Qaybta 2aad

4. Weji furnaan:
In aad hoggaamiye noqoto waxay u baahan tahay inaad asxaab badan yeelato, taasna waxa kaa cawinaya weji furnaanta. Hannaanka maarayneed iyo hoggaamineed waxay u baahan yihiin inay helaan dad kugu soo dhiirrada in ay kula hadli karaan, waxna ku waydiin karaan. Waa in xaalad iyo cimilo kastoo jirta aad dhoolo-caddaynta badisaa, sida uu sheegay Mr. Pam Regerson oo ah khabiir ku takhasusay hoggaaminta.
5. Dhibirsanaan:
Waxa aad inta badan xasuusnaataa inay jiraan barxado kuu bannaan oo aad horumar iyo isbeddel ku samayn karto. Waxa jira dad badan oo waxa aad qabanayso horumar ka samayn kara, kuwaasoo ay ugu horreeyaan dadka kugu xeeran.
6: Daacadnimo iyo bani’adamnimo:
Inaad danayso dadka kugu xeeran, aragti fogna u yeelato waa mid muhiim ah, waxaanay kaa badbaadinaysaa in ay ku nacaan dadka aad hoggaaminaysaa, waxaanad inta badan kula dhaqantaa daacadnimo iyo naxariis aad u badan.
7. Inaad hurdo fiican seexato habeenkii
Hurdo la’aanta habeenkii waxa ay keentaa in qofku awoodi waayo go’aan-qaadashada, waxana inta badan hurdadu ka tagta dadka dhibtu ku haysato hoggaaminta, balse hoggaamiyaha guulaystay wuxuu leeyahay awood uu habeenkii si fiican ugu seexdo. Waxa taasi u fududaysaa marka uu kaco inuu go’aamo midho-dhal ah gaadho. Dhammaad…

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post