X
    Categories: Qubanaha

‘Waannu Idinku soo Soconnaa si aannu idiinku Khaarajinno Guryihiinna Dhexdooda’Hanjabaada ISIS Ee Ku Waajahan Madaxweyne Putin

Araweelo News Network


Moscow (ANN) Ururka la baxay Dawladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq (ISIS/Daacish), ayaa farriin hanjabaad ah u diray Madaxweynaha Ruushka iyo dadweynaha dalkiisa, kuwaasoo sheegay in bartilmaameedkoodu yahay sidii ay weerarro khasaare gaysta uga fulin lahaayeen gudaha dalkaas si ay uga aargoostaan duqaymaha laga gaysto degaannada waddanka Suuriya ee kooxdaasi ka taliyaan.
Farriin maqal iyo muuqaal ah oo uu baahiyey nin ka tirsan ISIS shalay, ayaa lagu sheegay inay qaadi doonaan weeraro lala beegsado gudaha Ruushka, iyadoo lagu caddeeyey in xannuunka dagaalyahannada Daacish si degdeg ah loo dhadhansiin doono dawladda iyo bulshada dalkaas.
“Mr. Putin (Madaxweynaha Ruushka) dhegayso, waannu idinku soo soconnaa si aannu idiinku khaarajino guryaha iyo dalkiina dhexdiisa… bartilaameedkayaga xiga ee noo qorshaysan waa idinka, xannuunkana waannu idin dhadhansiin doonnaa,” ayaa lagu yidhi muuqaalka ISIS baahiyeen.
Sidoo kale, waxay taageerayaashooda ka codsadeen inay sii xoojiyaan weerarada lagu qaado dalalka reer galbeedka, waxayna yidhaahdeen; “Wallaalayaal, waxa aad qaadaan weerarro jihaad ah, dila oo la dagaallama (reer galbeedka) meel kasta oo aad ku aragtaan.”
Dawladaha Maraykanka iyo Ruushka, ayaa ka wada-xaajoonaya sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi millatari iyo sirdoon si ay uga guulaystaan kooxda ISIS iyo Al-qaacidada Suuriya, halka sidoo kale Daacish uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay tallaabo ka qaadaan waddamada dagaalka kula jira, isla markaana adeegsadaan hub kasta oo ay heli karaan.

Dhinaca kale, diyaarad millatari oo Ruushku leeyahay, ayaa lagu soo riday gudaha dalka Suuriya shalay, taasoo ay ku dhinteen shan qof oo la socday, iyadoo la soo bandhigay maydka duuliye Ruush ah oo ay dhulka jiidayaan dadweynaha ku nool degaanka lagu soo riday diyaaradda.
Dawladda Ruushka, ayaa caddaysay in laga soo riday diyaarad ay la socdeen shan qof oo isugu jira saddex shaqaalaha diyaaradda ah iyo laba sarkaal oo kale, taasoo ku dhacday Gobolka Idlib ee dalka Suuriya, waxayna masuuliyiintu tilmaameen in diyaaraddu ku socotay saldhig ciidanka Raashiya leeyahay waqtiga la toogtay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post